shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal ka dhacay Balihadhac oo sababay dhimasho iyo dhaawac, Waraysi Taliye: Kayse Cabdi Yuusuf

(Balihadhac,  June 12,  2010 Ceegaag Online)

 Kayse Cabdi Yuusuf  Dhagayso

Wararka naga soo gaadhay tuulada Balihadhac oo katirasan degmada Widh Widh ayaa ku soo waramaya in habeenimadii xalayto goor danbe weerar lagu Qaaday Ciimada Somaliland ee iyagu ku sugan magaalada balihadhac duleedkeeda oo fadhiisin halkaasi ka samaystay.
 
Weerarkaasi ayaa habeenimadii xalayto waxaa ku Qaaday Ciidamada uu Wato Kayse Cabdi Yuusuf oo iyagu dhinaca koonfurta ka soo weeraray ciidamada Somaliland ee ku sugnaa tuulada Balihadhac oo katirsan deegaanka widh widh.
 
 
 
Khasaaraha dagaalkaasi ayaa la ogay inta soo gaadhay ciidamada somaliland ee iyagu xalayto weerarka lagu Qaaday, balse warar madaxbanaan oo laga helayo balihadhac ayaa ku soo waramaya dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dhanka ciidamada somaliland, kadib markii qori baasuuka ahi ku dhacay teendho ay ciidamadaasi qaarkood xiligii weerarku dhacay hurdeen.
 
 
Dhinaca kale Kayse Cabdi Yuusuf oo Ceegaag.com u waramaya ayaa sheegay in labo askari dhaawac ka soo gaadhay dagaalkii xalayto weerarkana ku qaadeen ciidamada somaliland waxna kaloo kayse intaasi raaciyey inuu dagaalka sii wadayo.
 
 
Wararkii ugu danbeeyey ee galabta laga helayo deegaanka balihadhaca ayaa ku soo waramaya in deegaankaasi laga dareemayo Xiisad colaadeed waxana laga cabsi Qabaa inuu mar kale dagaal dhexmaro labad Ciidan.
 
 
Cali Dhagjar.
ceegaag.com
Buuhooodle
 

webmaster@ceegaag.com