shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Curyaamiinta iyo Naafada deegaanka Buuhoodle oo Qalabka curyaamiinta iyo Raashin deeq ah loogu deeqay

 (Buuhoodle,  June 27,  2010 Ceegaag Online)

Ha'yada daryeelka bulshada dadka Naafada Curyaamiinta iyo dadka jilicsan ee saldhigeedu yahay magaalada Garoowe ayaa Qalabka Curyaamiinta iyo Naafada soo Gaadhsiisay Curyaamiinta kunool guud ahaan deegaanka Buuhoodle oo dhan, Waxna ha,yada Daryeelka bulshadu soo gaadhsiisay oo kale deeq Raashin ah oo loogu tala galay dadka Curyaamiinta iyo Naafada Qoysaskooda jilicsan.
 
 
Waxaana Munaasabad Qalabkaasi Curyaamiinta lagu Wareejinayey ka soo Qayb galay Gudoomiyaha gobolka Cayn, Maayar kuxigeenka Buuhoodle iyo Masuuliyiin kale iyo dadwayne farabadan oo iyagu Xiligaasi Goon joog ahaa Xafladii loo Qaybtay Qalabkaasi iyo Deeqdaasi.
 
Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed ayaa halkaasi ka sheegay inay dadaal dheeraad ahi u galeen Qalabkaasi sidii loogu Helilahaa Curyaamiinta deegaanka buuhoodle oo dhibaatooyin kala duwan kala Kulma bulshada kale xiliyada ay ku jiraan adeegsiga magaalada iyo goobaha dadku ku badan yahay.
 
 
Waxna kaloo Halkaasi ka halkaasi ka hadlay Qaarkamid ah Curyaamiinta oo sheegay inay aad ugu mahad Celinayaa ha,yada Daryeelka Bulshada puntland oo Qalabka ugu Deeqday Waxna ay sheegeen inay maanta bilaabayaa inay soo booqdaan Qoysaskooda kale iyo goobaha kala gidesan ee magaalada buuhoodle.
 
 
Ugu danbaytii Qalabkaasi ayaa loo Qaybiyey dhamaan Curyaamiinta kunool deegaanka Buuhoodle oo lagu Xaadiriyey magacyada dadka ugu Jilisan oo laga helay magaalooyinka Dhilaalo Banyaal Ceegaag iyo Hurufadhi oo loogu dhiibay Qaarkamid ah Eheladooda.


 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com