shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Yaxye Cabdale oo horkacayo Garaad Saleebaan Buraale oo Casuumay Isimada SSC

 (Buuhoodle,  June 24,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Buuhoodle wax maanta lagu Qabtay Casuumaad aad u heersaraysa oo ay ka Soo Qayb galeen dhamaan Isimada Cuqaasha, aqooyahaniinta iyo Marti shafar kale, Casuumaadaasi ayaa maanta Waxna soo Qaban Qaabiyey Beesha yaxye Cabdale oo hormuud u ahaan Garaad saleebaan buraale aadan iyo Xubnaha Cuqaasha Beesha Yaxye oo iyagu maanta Casuumaadaasi heerka sare ahayd ku Qabtay Hotel Gabsoor.
 
Casuumaadaasi Qadada ahayd Ayaa Waxaa loo fidiyey Waftiga Isimada ah ee haatan ku sugan magaalada Buuhoodle oo horkacayo Garaad Jamac Garaad Cali.
 
Gudiga Qaban Qaabada Casuumaada ayaa Ceegaag.com u sheegay inay Casuumaadani ka Qayb Qaadeen Jaaliyada Beesha yaxye Cabdale ee kunool Wadanka dibadiisa iyo Gudihiisa Waxayna sheegeen inay aad ugu farxa san yihiin Casuumaada Waftigaasi maanta lagu casuumay Hotel Gabsoor.
 
Sidoo kale Casuumaadaasi ayaa waxaa goob joog ahaa Garaad C/laahi garaad soofe suldaan Sicii Cismaan Cali, Garaad saleebaan buraale iyo Marti aad u farabadan oo isugu jirta Cuqaal Culumo iyo dadwayne kale oo iyagu hotelkaasi goob joog ahaa.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com