shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beeha Xasan Ugaas oo iska diiday in talada reerkooda laga fara maroojiyo Ugaaskooda, Ugaas: C/laahi Ciise Nuur

 (Boocame,  June 27,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiyo

Eng. Xayle Xasan Shire, Mursal Awcali MaxamuudDhagayso

Degmada Boocame oo katirsan degmooyinka Hoos yimaada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool wax maalmahani shir uga socday Cuqaasha Waxgaradka iyo Aqooyahaniita beesha Xasan Ugaas oo kamid ah beelaha dega gobolada SSC Gaar ahaan magaalada Boocame oo xaruntoodu tahay.

Waraysiyo
 Caaqil: Cabdinaasir  Cilmi Guray, Caaqil: Maxamed Xuseen Dhagawayne Dhagayso

 
 Shirkaasi ayaa maalmahani sitoos ah uga socday magaalada Boocame waxana shirkaasi isugu yimid dhamaan Xubnaha golaha Cuqaasha waxgaradka beesha Xasan Ugaas oo kamid ah beelahaasi dega magaalada Boocame.
 
Ujeeda shirkaasi loo Qaybtay ayaa timid kadib markii dhawaan Dooxada Magaalada Boocame lagu Caano shubay Ugaas ka soo jeeda isla ardaaga beeshaasi Xasan ugaas arintaasi oo beesha ku keentay inay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Boocame iyo deegaano badan kadibna ka soo saaran go'aam midaysan oo saxaafada maanta loo soo bandhigay Waxna Ceegaag.com la soo Xidhiidhay dhamaan cuqaasha waxgaradka beeshaasi oo iyagu sheegay in Ugaaska beeshaasi yahay Ugaas C/Laahi Ciise Nuur oo beesha ugaas u soo ahaa 16 sanood ee tagay.
 
 
Ugu danbaytii Cuqaasha waxgaradka iyo aqooyahaniinta beesha Xasan Ugaasin ayaa maanta ugu baaqay dhamaan beelaha dega gobolada Soomaaliya in Ugaaska beeshu yahay Ugaas C/Laahi Ciise Nuur khilaafkii beeshaasi soo kala dhexgalayna laga gaadhay heshiis.

 

Cali Dhegjar

Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com