shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baaq Taageero: Go'aankii Isimada, Cuqaasha iyo Culumaa'udiinka Buuhoodle.

(Buuhoodle,  June 06,  2010 Ceegaag Online)

Annagoo ah odayaal iyo waxgarad qurbajoog ah oo ka soo jeeda degaanada Hawd, Cayn, Sool iyo Sanaag waxaanu si buuxda u taageeraynaa baaqii culimada, isimada, cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka dhulkaa u dhashay ay ka soo saareen magaalada Buuhoodle.

Waxaanu odayaashaa ugu hambalyaynaynaa sida waxgaradnimada leh ee ay u fahmeen xaaladda foosha xun iyo colaadda lala damacsan yahay dhulkaa iyo dadka ku nool. Waxay odayaashaasi muujiyeen wanaagga iyo nabadda ay la jecel yihiin dadkooda iyo dalkooda. Waxaanu ku boorinaynaa in talada iyo hoggaanka beeshu ay ku soo noqoto gacantooda oo aanay u ogolaan in dad ujeedooyin khaldan lihi manjaxaabiyaan nabadda iyo xasiloonida ay sanadaha badan ku soo dhibaatoodeen.

Waxaanu ugu baaqaynaa kuwa dhulkaa colaadda iyo qaska indha la’aanta ah kawadaa in ay dhegeystaan baaqaas isla markaana ay kala dhexbaxaan dhulka dadka mooryaanta ah ee ay soo khaldeen. Maanta dhulka dhulbahante iyo dhulka Soomaaliyeed guud ahaanba loogama baahna colaad cusub oo iska horkeenta dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Waxaanu ugu danbeyntii ugu baaqaynaa maamulada iyo beelaha dhulkaa la deriska ahi inay xushmeeyaan xidhiidhka iyo nabad gelyada ka dhexaysa beelaha deriska ah ee walaalaha ah. Waxaanu u soo jeedinaynaa in ay odayaashaa kala shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo deris wanaagga beelaha dhulkaa kuwada nool.    

Qurba Joogta Beesha Dhulbahante

Go'aankii Isimada, Cuqaasha iyo Culumada Diinta  reer Buuhoodle ayaa u qornaa sidan:

        

webmaster@ceegaag.com