shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baaq ku wajahan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Holland

(Amsterdam,  June 06,  2010 Ceegaag Online)


Maadaama ay doorasha golaha baarlammaanka ee waddankan Netherlands ay dhacayso maalinta arbacada ah ee soo socota ahna 09-06-2010, ayaa waxa uu ururka Midnimo soo marti qaaday 04-06-2010, xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha (PVDA)  oo isugu jira heer baarlammaan iyo heer degmoba, xubnahaas oo uu hoggaaminaaye mudane Jeroen Dijsselbloem oo ah mudane ka tirsan baarlammaanka, doorashadanna liiska musharraxiinta xisbiga shaqaalaha (PVDA) kaga jira lambar 5, Halkaas oo xubnaha xisbigani kulan  qaateen xarunta ururka Midnimo ee Delft xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool Netherlands, kulankaas waxaa goobjoog ahaa Guddiga fulinta ee Midnimo iyo Xubno ka tirsan golaha maamulka ee midowga ururada Soomaaliyeed ee Netherlands (FSAN)  Wada hadalkaas oo ku dhacay jawi fiican waxa uu ku dhammaaday is afgarad , halkaas oo xubnaha Soomaalidu si fiican ugu qanceen jawaabihii uu  Jeroen ka bixiyey su,aalihii laga waydiiyey oo u badnaa siyaasada xisbiga ee ku wajahan :
 

1.        Qaabilaadda qaxootiga Soomaalida

2.        La dagaallanka budhcad badeeda iyo weliba sun ku shubidda xeebaha Soomaaliya

3.        Khatarta ka imaan karta xisbiga xagjirka ah ee ka horjeeda muslimiinta ku nool Holland

Waxaa xusid mudan in Jeroen uu yahay nin xidhiidh fiican la leh ururada Soomaalida,sida  ururka Midnimo ee magaalada Delft, iyo weliba isi wayn u gacan qabta dallada ururada Soomaaliyeed FSAN, uuna ku dadaalo mar kastaba in uu wax ka qabto xallinta dhibaatooyinka haysta Soomaalida dalkan ku nool. Jeroen waxa uu ku gacan wayn ka gaystay hawlaha dallada FSAN ay ku mashquulsan tahay si loogu adeego jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ku nool.
 
Jeroen Dijsselbloem waxa uu ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland in ay codkooda siiyaan maadaama uu yahay qof Soomaalida gacan siiya, Soomaaliduna ay aad u aamminsantahay, isla markaana waxa uu Soomaalida ka codsaday in ay maanta kala saaraan saaraan cadowgooda iyo saaxiibkooda.
 
Haddaba Ururka Soomaaliyeed ee Midnimo waxa uu ka codsanayaa dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland in ay si buuxda uga qaybgalaan doorashada dhacaysa 9-ka bisha ee ah maalinta arbacada ah, ayna u wada codeeyaan mudane Jeroen Dijsselbloem oo liiska xisbiga shaqaalaha kaga jira lambar 5.  
 
Sidan oo kale ayuu maamulka dallada FSAN ugu baaqay jaaliyadda in ay codkooda siiyaan mudane Jeroen Dijsselbloem.
 
Maanta waa maalintii la dareemi lahaa in aynu nahay dad wax lala qaybsan karo. Innagana sharaf ayey inoo wada tahay in aynu codkeenna muujinno.

Daawo Sawirada


 
Waad mahadsantihiin,
 
 
Maxamed Mahdi Caydiid
Guddoomiyaha ururka Midnimo
Ex- xiriiriyaha guud ee FSAN
Telefoon: 015-25 700 48
Mobile; 06-265 39 335 / 06-815 915 24

midnimodelft60@hotmail.com
M_aidid86@hotmail.com

 

 


webmaster@ceegaag.com