shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Kuxigeenka maamulka Somaliland oo Laascaanood Gaadhay iyo amaanka oo aad loo adkeeyey.

 (Laascaanod,  June 21,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada laascaanood Waxaa maanta gaadhay Wafti balaadhan oo hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Mudane: Axmed Yuusuf Yaasiim iyo Qaarkamid ah Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ee iyagu haatan ololaha doorashooyinka ka Wada gobolka Sool.

Madaxwayne kuxigeenka  ayaa si aada Taageero yaashiisu ugu soo dhaweeyeen  magaalada Laascaanood iyagoo uga hortagay duleedka Waqooyiga magaalada Laascaanood oo halkaasi maanta lagu soo dhaweeyey, sidoo kale soo dhaweynta waxa ka Qayb galay Masuuliyiinta maamulka gobolka kan degmada Laascaanood iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada taageersan Xisbiga UDUB.

Ujeeda Madaxwayne Kuxgeenka Maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanod ayaa lagu sheegay inuu taageero ka helo shacabka gobolkaasi ku dhaqan oo iyagu siyaasada Maamulkaasi Qaarkood siwayn uga soo horjeeda xiligan, Waxaana lagu Wadaa inuu Madaxwayne kuxigeenka Somaliland magaalada Laascaanood sii joogi doonaa ilaa maalinta barito ah isagoo Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood kula hadli doonaa Waxgaradka gobolkaasi inta haatan joogta Laascaanood.

Amaanka Guud ee Laascaanood ayaa maanta aad loo adkeeyey Waxaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo farabadan oo Isugu jira Boolis iyo Milatari oo iyagu sugayey amaanka masuulkaasi maanta Laascaanood soo gaadhay, Waxaana Wadooyinka muhiinka ah la dhigay Ciidamo dheeraad ah halka Hotel Xamdina lagu Wareejiye Ciidamo lixaad leh.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com