shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Arday ka qalin jabisay dugsi sare oo ku yaalla magaaladda Buuhoodle.

 (Buuhoodle,  June 19,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa malinimadi shalay ahayd ugu soo gaba gaboobey magaaladda Buuhoodle imtixaankii shahaaada dugisaga sare ay ku qaadan lahayeen ardayda dhigata Hawd Secondry School ee magaaladda Buuhoodle, halkaas oo ay ku galeen imtixaankii kama dambeysta ee ay ku hanan lahaayeen shahaadada dugsiga sare.

Mar aanu wax ka waydiinay qaabka uu u socday imtixaanaadka maamulaha Hawd Secondry School Sheekh Mukhtaar Axmed X.Faarax qaabku uu soconayay ayuu inoo sheegay inuu soconayay muddo  6 cisho ah, hadana ay ardaydaasi sugayaan heeganna u yihin inay gacanta ku dhigaan shahaadada dugsiga sare.

Sidoo kale waxaan wax ka weydiinay qaabka uu imtixaanka u dhacay mid kamid ah ardaydii iskuulkaan ka qalin-jisabay, islamarkaana lagu magacaabo Xasan Caydiid Mahad, wuxuuna inoo sheegay in uu imtixaanku u dhacay qaabkii loogu talagalay, isagoo hoosta ka xariiqay inay iminka sugayaan oo kaliya shahaadadii dugsiga sare..

Si kastaba ha’ahaatee ardaydaydan ayaa noqonaya dufcadii ugu horaysay oo tiro intan le'eg kaga baxda dugsiyada sare ee gobolka Cayn iyadoo farxad gelin doonta dadweynaha ku dhaqan deegaankan.

Daawo Sawiradda

Xasan Caydiid Mahad

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com