shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwaynaha puntland oo magacaabay gobol cusub oo kamid noqonaya gobolada maamulka puntland

 (Garoowe,  June 20,  2010 Ceegaag Online)


Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa wareegto maanta ka soobaxday Xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay gobol cusub oo ka mid noqonaya gobolada ay ka koobantahay Maamulka puntland gobolkaasi oo maanta Madaxwaynaha puntland kaga dhawaaqay magaalada Garoowe.
 

Gobolka Cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Faroole ayaa waxaa uu magaciisu noqonayaa Hayland kaas oo Caasimadiisuna noqondoonto magaalada Dhahar, waxaana wareegtada ku xusan in dib laga soo sheegi doono magacyada degmooyinkiisa.

Lama oga sabaha keenay magacaabista gobolka Cusub oo kamid noqo doona gobolada puntland waxna talaabada uu madaxwaynuhu Qaaday soo dhaweeyey shacab badan oo ka soo jeeda gobolkaasi hayland, halka Qaarkalena dad badana  walaax ka muujiyeen magacaabista madaxwaynaha xiligan gobolkani cusub, iyadoo la og yahay in gobolka sool ka maqan yahay gacanta maamulkaasi mudo badan.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com