shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta dhexmaray Ciidamada Booliska Burco iyo Kooxo hubaysan

(Burco,  June 10,  2010 Ceegaag Online)

Dagaal sababa dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta galinkii hore ka dhacay magaalada burco ee xarunta gobolkaasi togdheer, dagaalkaasin ayaana dhexmaray kooxo hubaysan iyo Ciimada Booliska magaalada burco oo iyagu ka war helay inay ragaasi ku jiraan gurigaasi kadib markii Xaafadaha gurigaasi ku agdhow Booliska u soo Gudbiyeen in gurigaasi ku jiraan rag hubaysan oo looga shakiyey Kooxda alshabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka somalia gaar ahaan inta badan koonfurta somalia..
 
dagaalkan ayaa dhinaca booliska magaalada burco Waxaa soo gaadhay khasaare xoogan waxana kaga dhintay hal askari oo ka tirsan booliiska, waxna kaloo ku dhaawacmay taliyihii saldhigga booliiska Burco iyo Taliyihii Saldhigga Booliiska Bariga Burco oo iyaga dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalada Burco.
 
Taliyaha Ciidanka booliska somaliland Maxamed saqadhi dubad ayaa Warbaahinta dhinaciisa u sheegay inay raggaasi katirasan yihiin Kooxda alshabaab Waxna taliyuhu sheegay in Ciidamada Booliska magaalada Burco gurigaasi ku hareeraysan yihiin, Qaarkamid ah ragaasina gacanta lagu soo dhigay.
 
dagaalkan Maanta ka dhacay magaalada Burco ayaa ku soo beegmaya iyadoo ololaha doorashada somaliland ka bilaameen Guud ahaan magaalooyinka somaliland, waxna Cabsi xoogan soo gaadhay shacabka magaalada burco.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com