shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Jawaab Kulul ka Bixiyey hadal ka soo baxay Qaarkamid ah Cuqaal ka soo jeeda beesha Jamac siyaad

(Garoowe,  August 01,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Xasan Faarax JaamacDhagayso

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Puntland Xasan Faarax Jaamac ayaa jawaab kulul ka Bixiyey hadal ka soo baxay Qaarkamid ah Xubnaha Cuqaasha ee Wasiirka Ganacsigu iyo Warshaduhu uu ka soo Jeedo oo Maalintii shalayto Saxaafada magaalada Laascaanood u sheegay in Maamulka Puntland ay kalsoonidii kala laabteen isla markaana eedayn badan u soo Jeediyey Maamulka Puntland oo ay kamid tahay, inay Xubintii Baarlamaanka ee Beeshu ku lahayd golaha Wakiilada Puntland uu Maamulkaasi ka saaray isla markaana Kalsoonidii kala laabteen Maamulka Puntland.
 
Hadabada Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa Maanta Waxaa la soo Xidhiidhay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Waxana uu Wasiirku Ceegaag.com Maanta u sheegay in Warkaasi ka soo baxay Xubanahaasi sheegay Cuqaasha uu yahay hadal aan waxba ka jirin isla markaana beeshu kamid tahay Beelaha dhisay Maamulka Puntland oo ilaa iminka ay beeshu kamid tahay.
 
 
Wasiirka oo Waraysi dheer Maanta siinayey Ceegaag.com ayaana intaasi Raaciyey inay beeshu leedahay salaadiin isla Markaana uu isagu yahay Wasiirka beesha ugu jira golaha Wasiirada ee Puntland, Wasiirka ayaana intaasi Raaciyey in Warkaasi lagu daabacay Warbaahinta Qaarkeed uu yahay War ka fog Xaqiiqda isla markaana ugu baaqay in laga Waantoobo Wararka noocaasi oo kala ah.
 
 
Waraysiga Wasiirka oo Dhinacyo badan taabanaya ka dhagayso WWW.Ceegaag.com kana bogo Waraysigaasi.
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com