shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo saaka laga Xusay sanad Guuradiid 12 ee ka soo Wareegtay dhismaha Maamulkeeda

(Garoowe,  August 01,  2010 Ceegaag Online)

Munaasbadaan oo si heer sare ah loo soo agaasmiay laguna xusayey sanad guradii 12aad e asaaskii Puntland ayaa waxaa maanta lagu qabtay Guud ahaanba gobolada Maamulka Puntland oo Munaasada Haasi ka soo Qayb galeen Madaxda Maamulka puntland oo ugu horeeyo Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan faroole Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo Qaybaha kala Duwan ee bulshada ku dhaqan magaalooyinka Puntland.
 
 
 
Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland oo ahayd Halkii laga dhisay puntland sanadkii 1988 ayaa lagu Qabtay Munaasabad balaadhan oo ay ka soo Qayb galeen dhamaan Qaybaha kal duwan ee bulshada magaalada garoowe iyo Laamaha dawlada oo saaka Wadada dheer ee laamiga ah ku maray socod balaadhan oo Ciidamada sameeyeen Maanta, halkaasina ku soo bandhigeen dhoolatus balaadhan.
 
 
 
Munaasadahaasi ayaa Waxaa kaloo ka soo Qayb galay Ardayda Dugsiyada Hoose,Dugsiyada Sare, Jaamacadaha, Shaqaalaha kaladuwan ee dawlada Puntland, Talisyada & Saraakiisha ciidamad oo halkaasi maanta ka dhigay Wacdaro ka Muujiyey, Musabadaasi ayaa Madaxdii ka hadashay Waxay ugu baaqeen in Guud ahaan mid looga soo Wada jeesto ka shaqaynta amaanka guud ee Puntland.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag
 

webmaster@ceegaag.com