shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

Xog Muhiim Ah oo Ay ka Heshay Shabakada Warbaahinta

 Ceegaag Online Ninkii Gabdhaha Reer Hargeysa Fara

 Xumeeyay

(Hargaysa, December 05,  2010 Ceegaag Online)

Maalintii Maxkamada la hor keenay Ninkii Gabdhaha Reer Hargeysa Fara Xumeeyay maxa Dhacay? Waa maxayna Sababta Dhabta ah ee Xukuumadu uga War Wareegeyso Maxkamadeynta Ninkani?

Ninkan oo lagu Magacaabo Guntar Bischoss, Ayaa Falal fool xun isla markaana ka baxsan Diinta islaamka kula kacay Gabdho Reer Hargeysa ah,  isaga oo Aflaam Faaxisho ah iyo sawiro qaaqaawan ka duubay hablahaasi iyo isaga oo ka Sineeysanaya. Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ninkani intii uu Hagreisa joogay arintani uu ku jiray isla markaana sawiro badan Computer-kiisa laga helay.

 

Arintan markii ugu horeeysay waxaa soo ogaaday Qaar ka mid ah Culima awdiinka magaalada Hargeysa, waxa ayna u gudbiyeen laanta Dambi baadhista Somaliland, sidaasi ayaanay ku soo shaac baxday.

Dadka ku dhaqan Hargeysa ayaa dareen kala duwan ka muujiyay arintani, marka aad dhex marto magaalada Hagreysa Gaar Ahaan goobaha dadku ay isugu yimaadaan ayaa qaar dadkaasi ka mid ah kuu sheegayaan in ninkani Gaalka ahi Falka uu ku kacay uu yahay mid ka baxsan  shareecada islaamka isla markaana Xukuumadu talaabo shariciga waafaqsan ka qaado, qaar waxa ay ku odhanayaan waa in la dilo, halka qaar kalena ay soo jeedinayaan in xabsi daa'in lagu xukumo.

Hadaba Culimo Aw-diinka Magaalada Hagreysa ayaa dareen cadho leh ka muujiyay Arintani, Sheekha Caanka Ah ee lagu magacaabo Sh. Maxamed Heybe, ayaa Arintani walaac xoog leh ka muujiyay isla markaana  Eedeyn kulul u soo jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isagoo Sheegay in wax laga xumaado  ay tahay in ay xukuumadu ka war wareegeyso Maxkamadeynta Ninkani  Sheekha oo hadalkiisa sii wato ayaa yidhi `Walalayaal ma aha wax la iiga waramay ee waxaan ka mid ahaa dadkii Maxkamada Joogay xiligii ay socotay Dhageysiga dacawadaasi  isla markaana Daawaday Filim-ka maxkamada horteeda lagu soo bandhigay, iyo Mujrimkan waxa uu sameeyay, Runtii waad jiriricooneysaa indhahana ma siin kartid ninkaasi waxa uu ku sameeyay Gabdhaheenii, Meeday islaamnimadeena? meeday Qiiradii ilahey inagu abuuray? Xukuumadu dadkeeda iyadaa ka mas`uul ah waa in ay ka damqato falkani Ninkanna Sharciga mariso,

Sidoo kale dadka Ree Hargeysa Waxa ay Dareen Cadho leh ka muujiyeen Hadalkii ka soo yeedhay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaliland, Isagoo Sheegay ninkan in uu Xidid la yahay  mid ka mid ah qabaail-ka degan Hargeysa isla markaana Dadku Is dejiyaan, Arintuna ay gacanta ku hayaan baadhitankeed.

 

Hadaba Ninkani Waa Nin Ceynkee Ah?

Ninkan waxaa lagu Magacaabaa Guntar Bischoss, Tan iyo Sagaashanaadkii Dhowr jeer Ayuu yimi Hargeysa 1999-kii waxa uu u Shaqeeynayay  Hay`ad la Odhan jiray GTZ.

Sanadku markii uu Ahaa 2000 Ayaa Falal Noocan oo kale ah lagu Tuhmay, hasa yeeshee Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal ayaa ciidamada Amaanka amar ku siiyay in ninkan Wadanka  ka musaafuriyaan isla markaana wax Documents’ ah aanu wadanka kala bixin, Nasiib Wanaag isaga oo Xafiiskiisa Dhex jooga ayaa inta ay Ciidamadu Amaanka Dhegta Soo qabteen Diyaarada ku tureen isaga oo  Xidhan uun Dharkiisii uu ku soo shaqo Tagay oo qudha

Mr. Bischoss, intaasi kuma uusan joogin markii is bedelku ka dhacay Somaliland ee uu geeriyooday Cigaal, ayuu hadana Dalka Dib ugu soo noqday isaga markaasi Degay Magaalada Boorama, 2007-dii ayuu  dib ugu soo noqday Magaalada Hargeysa.

2008-kii ayaa waxa uu guursaday Gabadh Ree Hargeysa ah, hase yeeshee mudo Afar bilood ah markii uu qabay ayay kala tageen, Sidoo kale xiligaasi waxa uu sheegtay in uu qaatay Diinta islaamka, waxaa mararka qaar dhici jirtay in misaajidada lagu dhex Arko isaga oo tukanaya, isla sanadkaasi waxa uu mar labaad guursaday gabadh kale oo Ree Hargeysa ah, halka warar kale ay sheegayaan in gabdhaha uu qabay intaasi ka badnaayeen hasa yeeshee lama xaqiijin.

Warar lagu kalsnoonyahay ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan Gaalka ahi aanu kaligii howsha ku jirin hase yeeshee Dumar iyo rag kale howsha u fududeeyeen oo hotelka loogu keeni jiray gabadha uu doono, Sidoo kale waxaa wax laga xumaado ahi in Camarada uu kaga duubayay Arintani hablaha Soomaaliyeed ay ahayd Camaradaha yar yar e Digital-ka, Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in Gabdhahaasi markii Ficilkani lagu sameeynayay aanay waxba ka ogeyn in Filim laga duubayo

 

Maalintii Maxkamada la hor keenay Mr. Bischoss maxa Dhacay? Waa maxayna Sababta Dhabta ah ee Xukuumadu uga War Wareegeyso in Ay Go`aan ka qaadato Ninkani?

Waxaa Xusid mudan ninkani Maxakamadeyntiisu in aanay ilaa iyo imika suurta Galin Dhowr jeerna dib loo dhigay, Sidoo kale maalintii ugu horeeeysay ee maxkamada la keenay waxaa uu ka hor sheegay isagoo Si kibir ah u hadlaya  in Arintani uu sameeyay ku qanacsanyahay mar hadii aanu Cidi qasbin oo ay gabdhuhu raali ka ahaayeen lacag fara bandanna uu siiyay , isla markaana wax dambi ah aanu galin mar hadii Somaliland Lagaga Dhaqmo Nidaamka Dimuqraadiyada, Waxa uu intaasi ku daray Mr. Bischoss,  in Hadii la xukumo ama la daadifeeyo uu War bixin dheer ka qori doono Xukuumada Soomaliland waxa aana u gudbin doono buu yidhi Dowladeyda Germany, iyo dowladaha Caalamiga, Taasi oo aan ku cadeyn doono in soomaliland aanay ka jirin Wax Dimuqraadiyad ah, isla markaana ay ka been sheegayaan lacagaha ay ku qaataan Hurumarinta Dimuqraadiyada, Hadalkani uu meesha ka sheegay waxa ay Cabsi Xoog leh ku abuurtay Xukuumada Somaliland taas ayaana keentay in ilaa iyo imika wax go`aan ah ka qaadanin.

Isku soo wada duu duuboo Xukuumada Soomaliland waxaa horyaala laba Daran mid dooro, waa mida koowaade hadii ninkan xukun ku haboon ku Rido waxaa meesha ka baxeeysa wixii xukuumada ku faani jirtay ee ay odhan jireen Dimuqraadiyad ayaa ka jirta Somaliland,  Mida labaad hadii ay sii deeyso ama ay mustaafuriso waxaa meesha ka baxeeysa kalsoonidii Shacabka ay ka haaysatay Xukuumadu, sidoo kale waxa ay Abuuri kartaa Qalaalaso mustaqbalkana Fowdo ka abuura Mandiqada, waayo waxaynu ka war qabnaa in Maalmihii ugu dambeeyay ururka Al-Shabaab  Ka hadleen Arintan isla markaana Hanjabaadana u soo jeediyeen Xukuumada Somaliland Sida lagu daabacay qaar ka mid ah War baahinta Sida, Somalimemo iyo kuwa kale.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com