shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka Buuhoodle oo haatan Bilaabay kulamo iyo Isimadii ka socday Puntland oo dib uga laabtay Buuhoodle

(Buuhoodle, December 11,  2010 Ceegaag Online)

Kadib Markii Labo Maalmood ka hor deegaanka Maygaagle Culumadii Dhex Dhexaadinaysay Beelihii ku dagaalamay Baliga Kalshaale Deegaankaasi ka soo saareen Go,aamo aan Beesha Buuhoodle ku Qanci ayaa Magaalada Buuhoodle Waxa soo gaadhay Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Cayn oo haatan gobolka ka Wada Qaabkii ugu haboon ee Nabada looga shaqayn lahaa Wadahadal toos ahna laga gali lahaa Beesha Bariga Burco oo labada Beelood ka dhaxayso Daris Wanaan iyo Walaal timo iyadoona laga fogaanayo Dagaal Markale deegaanka ka dhaca.
 
 
Magaalada Buuhoodle ayaa haatan Waxa ka soconaya Kulamo Qaadanaya Saacado farabadan oo la Diiday in Warbaahintu Wax badan ka ogaato Kulamadaasi ay leeyihiin gabi ahaanba Waxgaradka Buuhoodle oo haatan Midaysan diyaarna u ah inay ka shaqeeyaan Nabada dhinacooda Mana jiraan Warar dheerad ah oo kulamadaasi laga ogaan karo.
 
Dhinaca Kale Waxa Magaalada Buuhoodle ka anba baxay Wafti Balaadhan oo Isimo ahaa oo ka soo Kicitimay Dhinaca Puntland oo Hogaanimayey Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo Wehelinayeen Isimo kale oo dib ugu laabtay Magaalada Garowe kadib Markii uu soo Xidhay Wadahadaladii Maygaagle ka socday ee Nabada lagu Raadinayey..........
 
 
 
Cali Osman Yusuf(Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com