shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wakiil u Dacwihii Buuhoodle oo ka Hadlay go'aankii Laga soo saaray Maygaagle kuna tilmaamay Mid sharci daro ah

(Buuhoodle, December 09,  2010 Ceegaag Online)

Warysigii oo cod ah      dhagayso

Kadib Markii Maanta Culumadii dhagaysiga Dacwadii ka socotay Maygaagle ee lagu dhex dhexaadinayey Beelihii ka soo kala Jeeay Buuhoodle iyo Bariga Burco halkaasina kaga Dhawaaqeen go,aamo ay ka soo saareen dhagaysiga Dacwadaasi ayaa dhinaca Kale Waxa go,aamadaasi sharci daro ku tilmaamay Dhamaan Waxgaradka Buuhoodle oo go,aan  Midaysan ka Qaatay go'aankii Maxkamada, kuna tilmaamay kuwo sharci daro ah.
 
 
Shiikh Saleebaan Maxamed Jamac ayaana ku tilmaamay go,aamada laga gaadhay Baliga kalshaale inay yihiin kuwo aan sharciga Waa faqsanayey Waxan uu shiikhu intaasi raaciyey inay anbiil ka Qaateen go,aanka Maxkamadaasi Gaadhay ee Culumadaasi ka soo saareen Maygaagle.
 
Wakiil u Dacwaha Buuhoodle ayaa sheegay inay intii Dacwadu socotay keenee Markhaatiyaashii Cadaynayey inay leeyihiin Baliga Kalshaale ilaa sanadkii 1950kii Xiligaasi oo Baliga kalshaale ku yaaleen Ceelal laga Cabo oo gaar u lahaayeen Beesha Buuhoodle oo Waliba lagu dhaariyey Qaarkamid ah Dadwaynaha Buuhoodle degan saaka inay xiligaasi Ceelal ku lahaayeen Hadeerna uu Mulkiyada kalshaale leeyihiin Reer Buuhoodle(Waraysigaasi oo dhamaysitiran Ceegaag.com ka dhagayso)

 

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com