Kulan Balaadhan oo Buuhoodle ay ku yeesheen Waxgaradka Buuhoodle ay Isugu yimaadeen Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle ayaa lagu Qorsheeyey in Waft Balaadhan oo Hogaaminayo Garaad Saleebaan Buraale adan loo diro Deegaanka Godaale oo katirsan Gobolka Sool oo Dhawaan Iska Horimaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac uu ku dhexmaray Beelo ka soo Wada Jeeda Gobolkaasi Sool..

Waxana Haatan Wararka Shabakada Ceegaag.com ka helayso Deegaankaasi ku soo Waramayaan in deegaankaasi Godaale ay ku sii Jeedaan Isimada Gobolada Sool Sanaag Cayn iyo Waxgarad Farabadan oo ka Qayb Qaadanaya Daminta Xurguftaasi dhexmartay Beelahaas haatana Isimadu Doonayaa inay soo afjaraan.

Garaad Saleebaan Buraale oo Waraysi kooban Siiyey insha Wararka Ceegaag.com ayaa sheegay inay Maalinta Barito ah ka Qayb galayaan Wadahadalaasi Nabadayta ah ee lagu Dhex Dhexaaninayo Beelahaasi oo ka dhici Doona Deegaanka Godaale oo Waxgarad Badani Haatan ku sii Jeedo.

Cali dhagjar

Ceegaag.com