shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ugaas Claahi Ciise Nuur oo Siwayn loogu soo Dhaweeyey Maygaagle Maanta

(Maygaagle, December 02,  2010 Ceegaag Online)

Deegaanka Maygaagle Waxa Maanta Galinkii Hore soo gaadhay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada Deegaanada SSC Waxana Wafiga Ugaaska oo ahaa Mid Balaadhan Madashada Shirka Maygaagle ku soo Dhaweeyey Dhamaan Isimada Salaadiinta Culuma ka kala yimid Gobolada Dalka ee iyagu Deegaanka Maygaagle ugu sugan Dhex Dhexaadinta Labadaasi Beelood oo Deegaanka ka socota.
 
Waftiga Ugaas C/laahi Ciise Nuur uu Hogaaminay ayaa ka soo kicitimay Degmada Boocame ee gobolka sool Waxayna Deegaanka Maygaagle u soo gaadheen inay ka Qayb Qaataan Hawlaha lagu Dhex Dhexaadinayo Labadaasi Beelood ee ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco oo haatan Deegaanka Maygaagle ugu sugan yihiin Salaadiin iyo Isimo farabadan oo ka kala yimid Somaliland iyo Puntland.
 
 
Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo Shabakada Wararka Ceegaag.com Waraysi kooban siiyey ayaa Ceegaag.com u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyiisa Deegaanka Maygaagle iyo inuu ka Qayb Qaato Nabadayta Deegaanka Maygaagle laga Wado ee ay Wadaa Isimada iyo salaadiinta Goobta Madasaha ku sugan, Ugaaska ayaana ugu danbaytiin Mahad Celi Balaadhan u Jeediyey Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada Wararka Ceegaag.com oo ugaasku sheegay inay shacabka u soo Bandhigaag Warar Runta ku Dheer.

Daawo Sawirada

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com