shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Siminaar ku sabsana sida loo Mideynkaro doorka Odoyasha Dhaqanka Soomaliyeed oo manta lagu qabtay Hoteel Saxafi ee magaladda muqdisho..

(Muqdisho, December 05,  2010 Ceegaag Online)

 

Siminaar ballaaran oo lagu xoojinayay doorka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyed ka qaadan karaan xal u helida dalka Soomaaliyed ee colaaduhu la dageen ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho
Siminaarkaasi oo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Odayaal dhaqameedyo iyo Culumaa'udiin.ayaa waxa soo qaban qaabiyay

Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS ayaa waxaa xubnaha ka qeyb galay ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan, Xildhibaan C/llaahi Xasan
Naaleeye, Gudoomiyaha Beesha H/gidir Abuukar Ganey, siyaasiga Prof.

Maxamed Faarax Jimcaale iyo xubno kale.oo magac iyo maamusba ku leh bulshadda dhaxdeedda.
Siminaarka oo ay ka qeyb galeen in ku dhaw 150 Xubnood oo ka socday waxgaradka, dhaqanka soomaaliyed iyo culumaa'udiin ayaa ugu horeyn waxaa diirada lagu saaray qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa xaalada dalka uu ku jiro.iyo sida loogaga bixi karro.

Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka soomaaliyed oo ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in ay tahay muhiimad gaar ah in la isu yimaada, lana wada hadlo, isagoo door biday bedelkii meel la wada fadhin lahaa ay haboon tahay in laga hadlo xaalada dalka iyo sida loo samata bixin karo.

Waxaa uu sheegay in dhaqanka soomaaliyed uu yahay saldhig Boolis markii la waayo in dib loogu noqdo, isagoo xusay, isagoo xusay inuu yahay marjac dib loogu laabto, waxaana uu soo qaatay kaalinta dhaqanka soomaaliyed kaga jirto masiirka soomaaliyed.


 

Siyaasiga Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo isna ka hadlay siminaarka ayaa hadalo macno badan ku fadhiya ka jeediyay, isagoo ugu horeyn soo qaatay doorka siyaasada oo uu qeexay inuu yahay meesha xilligan ay wax ka qariban yahay, dalkana dib u dhigay, isagoo amaanay doorka dhaqanka soomaaliyed oo uu qeexay inuu taagan yahay.

Prof. Maxamed Faarax Jimcaale ayaa sheegay in laga shaqeynayo in dadkan laga dhigo kuwo aan isku dad aheyn, isagoo xusay in dalka uu yahay dal kaliya, diin kaliya, waxaana uu soo qaatay kooxaha magacyo diimeedyada wata oo uu tilmaamay in ay wataan ajaaniib kale sida uu yiri.


Xildhibaan C/llaahi Xuseen Naaleeye ayaa muhiimad gaar ah saaray doorka dhaqanka soomaaliyed, isagoo xusay in dhaqanka hada yahay meesha kaliya ee wax ka qaldan yahay, isla markaana loo baahan yahay in boorka laga jafo oo la soo nooleeyo dhaqankii soomaaliyed. Xildhibaanka ayaa ku canaantay Odayaasha dhaqanka in aanay gaarin heerkii Odayaasha dhaqanka Somaliland iyo Puntland oo ah buu yiri maamulo nabad heysta, isagoo ku dhiira geliyay odayaasha dhaqanka ee koofurta ku sugan inay ku daydaan ayna nabada ka shaqeeyaan.

Waxaa uu tibaaxay in heerka siyaasada maanta ay joogto meel wax la qaban karo, , isagoo u mahad celiyay hey'adda UYS ee soo qaban qaabisay Siminaarka oo uu sheegay inuu wax badan ka tari karo nabada iyo xasiloonida dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo isna hadal kooban ka jeediyay siminaarka ayaa ugu horeyn mahad celin gaar ah u jeediyay Hey'adda UYS, isagoo ku ammaanay dadaalka ay ku bixisay isu keenida Odayaasha dhaqanka soomaaliyed.

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in doorkii hore mid ka fiican inuu soo noqday, isagoo carabaabay in dalka ay hada soo dhex galeen cadaw, waxaana uu cadeeyay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan soo nooleynta dhaqanka soomaaliyed min tuulo, degmo ilaa Gobo, si buu yiri dhaqanka loogu celiyo halkeedii horel sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in siminaaradan ay yihiin kuwo wax tar u leh dalka, isagoo ka codsaday Madaxda Hey'adda UYS inay sii wadaan dadaalkooda, ayna Dowladda u adeegaan, isagoo xusay in aanay Dowladda ka maarmin hey'adaha wax u qabanaya shacabka.

Ugu dambeyn waxaa uu wasiirka ku baaqay in la iska kaashado soo celinta nabadgelyada , midnimada, dowlad wanaaga, iyo sidii loogu istaagi lahaa in la ilaaliyo sharafkii umada soomaaliyed loona soo
celin lahaa.

Siminaarka ayaa waxaa kama dambeys soo gunaanay Gudoomiyaha Gudiga Beesha H/gidir Abuukar Ganey, isagoo siminaarka ku tilmaamay mid wax ku ool ah bulshada gaar ahaan dhaqanka soomaaliyed, waxaana uu ka codsaday Madaxda Hey'adda inay badiyaan siminaarada ceynkan oo kale
ah, ama 15-kii cisho ay mar u qabtaan Odayaasha dhaqanka.

Abuukar Ganey ayaa sheegay in muhiimada laga leeyahay isu keenida odayaasha iyo siminaarada loo qabanayo ay tahay, inay ka soo baxaan fikrado la is dhaafsado, oo noqdya kuwo xal u ah maslaxada
soomaaliyed, isagoo dadaalka ay sameysay UYS ku bogaadiyay.

Siminaarkan ayaa noqonaya kii labaad oo Hey'adda UYS u qabato Odayaasha dhaqanka Soomaaliyed, iyadoo siminaarkii hore ahaa mid ay ka qeyb galeen madax dhaqameedyada ugu caansan Soomaaliya

 

Xigasho:Caliyaale

webmaster@ceegaag.com