shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Siminaar boqolaal dhalinyaro looga wacyi gelinayay fikradaha qaldan laguna baraarujinayay dhaqanka suuban oo maanta Muqdisho lagu qabtay

(Muqdisho, December 12,  2010 Ceegaag Online)

Siminaar ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo Culumaa'udiin ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo siminaarkan loo qabtay boqolaal dhalinyaro oo ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo ku saabnsaaa sidii fikradaha qaldan ee dalka la soo geliyay looga wacyi gelin lahaa, isla markaana lagu baraarujinayay dhaqanka suuban.


Hey'adda Wada Hadalka Bulshada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CCD oo siminaarkan soo qaban qaabisay ayaa ajandayaasha siminaarka oo ka koobnaa ilaa todobo qodob, kuna wajahnaa xaalada dalka uu ku sugan yahay, gaar ahaan dhalinyarada iyo afkaara qaldan ee lagu marin habaabiyo iyo ka qeyb qaadashada colaadaha iyo dagaalada la diimeeyay.

Siminaarka oo uu ugu horeyn furay Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hey'adda CCD kaalinta ay bulshada uga qeyb qaadato horumarinta iyo wacyi gelinta, isagoo ku dhiira geliyay sii wadida howsha ay bulshada u heyso.

Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa sheegay in jiilka hada soo garaya ay yihiin kuwola marin habaabiyay, isla markaana ay wanaagsan tahay in tubta toosan lagu hogaansho, isagoo xusay in hada dhinaca dhalinyarada laga soo galay, loona adeegsanayo hurinta colaadaha.

"Bam la tuuray iyo qarax la dhigo midna qaran laguma noqdo, yaan dhalinyarada lagu adeeganine ee cidii madaxnimo rabto umada ha hor timaado, dhalinyarada waxaa uga digayaa fikradaha qaldan ee lagu shubayo ee la leeyahay jihaad ayaa galeysiin ee haka digtoonaadeen"ayuu yiri Xildhibaanka oo ugu baaqay waalidiinta in caruurtooda ay wadada toosan ku hogaamiyaan.

Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow oo isna goobta ka hadlay siminaarka ayaa tix gabay oo ka hadleysa dhalinyarada goobta ka jeediyay, isagoo faray dhalinyarada inay wax bartaan ayna iska diidaan waxa uu ugu yeeray fikradaha qaloocan ee laga soo safriyay dalalka shisheeye.

Wakiilka Iimaamka Axmed Cabdulle Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka hada laga soo galay dhinaca dhaqanka, isla markaana la doonayo in lagu marin habaabiyo dhalinyarada, iyo ardayda wax baraneysa.

"Dhaqanka waxaa uu asal u ahaa bulshada, hada dhaqankii ayaa la miinguuriyay, oo dhaqamo kale lagu badalay, waxaa dhalinyaroy la idinka rabaa inaad wax barataan, aadka noqotaan kuwii berri dalkan hogaamin lahaa, gacmihiina oo dhiig leh inaadan dalkiina ku bur burin"ayuu yiri Wakiilka Iimaamka.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Nabadoon Khaalid Cabdi Jimcaale oo xusay in dhaqankii la baabi'iyay, isla markaana ay dhalinyarada ay xaabo u noqdeen dabka hada ka holcaya dalka, isagoo ugu baaqay dhalinyarada inay dalkooda u horseedaan nabada iyo xasilooni.

Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xeray Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in siminaarada ceynkan oo kale ah ay muhiimad u tahay is dhex galka dhalinyarada, iyo sidii dhalinyarada ay uga fogaan lahaayeen dagaalada ay ku lug leeyihiin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dhalinyarada lagu shubay fikrado laga keenay Afganistaan iyo dalal kale, waxaana uu ugu baaqay Hey'adda CCD inay sii badiso siminaarada lagu wacyi gelinayo dhalinyarada.

Siminaarka ayaa dhalinyaradoo ka qeyb galay ay ahaayeen kuwo fikrado kala duwan ku soo bandhigayay xaalada dalka iyagoo dhalinyarada dalbaday inay doonayaan inay helaan waxbarsho lacag la'aan ah, wacyi gelin iyo in dhalinyarada la mideeyo si aanay looga faa'ideysan in dagaalka lagu huriyo.

Daawo Sawiradii Siminaarka

Xigasho:Somaliwayn

webmaster@ceegaag.com