shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Dayax Treding Company oo Dhamaysay Ceelkii Labaad ee Buuhoodle oo Biyo laga gaadhay Maanta Saxaafada u soo bandhigtay

(Buuhoodle, December 09,  2010 Ceegaag Online)

Warysigii Eng. C/qani Maxamud Cige      dhagayso

Shirkada Dayax trandig Company ayaa Magaalada Buuhoodle Markii Labaad ka Qoday Ceelkii Labaad oo laga gaadhay Biyo Ceelkaasi oo shirkada dayax Mudo Saddex Bilood ka hor ka bilowday Duleedka Bariga ee Magaalada Buuhoodle oo horay Ceel hore ugu yaalay haatan Ceelkani Labaad si rasmi ah Maanta loo furay laguna sameeyey Tijaabadii biyaha.
 
 
Furitaanka Ceelkaasi Maanta ayaa Waxa ka soo Qayb Galay Waftigii ka socday dhinaca Maamulka Puntland oo kamid ahaayeen Gudoomiyey Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Xuseen Yaasiiin Xaaji Diiriyey Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada, Wasiirku Xigeenka Waxbarashada C/raxmaan Diiriyey Carab iyo Xubno kale oo katirsan Dawlada Puntland oo ka Qayb galay Furitaanka Ceelkaasi kana Cabay biyihii Ceelkaasi laga gaadhay.
 
 
Ugu horayna Waxa Goobta ka Hadlay Xanaan Ciise Xandule oo kamida saraakiisha Shirkada dayax ee biyaha ka soo saarta Deegaanka Buuhoodle Waxa u sheegay inay Ceelkani Qodistiisu ku Qaadatay Mudo dhan saddex Bilood ilaahay Mahadiisna haatan laga gaadhay biyo haatan uu bilaabayo shaqadii Ceelku, Waxa u ka socdaya Masuuliyiinta Puntland inay keenaan agabkii Baroorada iyo Hirgalinta Waxyaabaha ka Dhiban Ceelka, oo horayba kii hore Ceelkii hore Ha,yada Care ku Caawisay agabyadii uu Ceelku u baahnaan oo Maamulka Puntland gacan Xoogan ka Qaatay.........
 
 
 
Dhinaca Kale Waxa isaguna Goobta Waraysi kooban Ceegaag.com C/qani Maxamud Cige oo ah Enjineerkii Ceelkani Qoday Waxa u sheegay inay intii Hawlaha Qodista Deegaanka Buuhoodle ku guda jireen kala Kulmeen Dhibaatooyin yar yar Haatan ku Guulaysteen Dhamaystirka Ceelkani, iyadoona Dhawaan shirkani Ceegaag ka bilaabi Doonto Ceel Degmadaasi laga Qodayo...

Daawo Sawirada Ceelka Cusub

 

 

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com