shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shabakadan Ceegaag oo noqotay tan loogu nagaadiyo badanyahay Shabakadaha Soomaalida sidoo kale Boocame oo kaalinta labaad ku jirta

(Ceegaag, December 14,  2010 Ceegaag Online)

Ka dib shukaansi aad u badan oo uga yimid shabakadan dadka ka shaqaysta uruurinta iyo beecgaynta dadka tirada dadka ee booqata websiteyada ayaa waxaa soo baxday in webka Ceegaag uusan haysanin "Ranking" oo ah tirada saxda ah ee soo booqta shabakada.

Kadib markii aan u kuuro galay sababta dadka suuqgeeyaa u daba taagan tihiin habsami u socodka hawlaha shabakada ayaa waxaa soo baxday in websiteka ay soo booqdaan dad tiradoodu badan tahay balse aan waxa loo yaqaan 'IP addreska'  Aqoonsiga aaladaha Computerada ee yaala  maraykanka iyo kanada mooyee aan la hayn dadka kale ee tiradabadan ee ka soo booqda webka qaaradaha Afrika, Yurub, iyo Aasiya.

Xog Gorfayn kadib. Maamulka shabakada ayaa ku gacan saydhay in kharashka shabakada loo leexiyo Suuqgaynta shabakada balse lagu hagaajiyo tayada wararka kooban ee aan ka qorna deegaanada ku xeeran magaalada dhismasa ee Ceegaag.

Caday akhristoow in shabakadan tahay tan loogu nagaashiyo "Time on Site " iyo "Pageviews/User" badan yahay shabakadaha Soomaalida waxaanu is barbar dhignay, Websiteyada  Boocame,  Hadhwanaagnews, Somaliwayn, Calanka, Horseedmedia, iyo Hiiraan. waanatan jawaabtii markii aan Ceegaag shabakadahan kula tartansiinay joogitaanka ama nagaanshaha lagu nagaado booqshada shabakadaha.

Ugu danbayn shabakada iyo shaqaaleheedaba waxaa ka reeban in wax dhaqaalo ah ay ku xidho adeega ay u hayso Umada Soomaaliyeed. Iyadoo shabakadu haatan gacanta ku haysa dhaqaalo sanadeedkii 2011ka. Waxaan sigaara ugu mahad celinanaa dadkii reer Ceegaag ahaa ee ku deeqay dhaqaalahaas.

Eeg Shabakadkasta waxaa ku xardhan jiitinta shaxda ka matalasa  kalarka ay ku qoran tahay

Sidoo kale Boocame ayaa iyadu yaraysan oo dhulka ku jiiday shabakado soo jireen ah

 

Nala eeg Nagaanshaha ama joogitaanka Shabakada Ceegaag marka loo eego shabakadaha kale

Source: http://www.alexa.com/siteinfo/ceegaag.com#     

Eng. Xuseen Fiin

Boston

webmaster@ceegaag.com