shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Seminaar ku saabsan sidii loo joojin lahaa fikradaha qaldan ee ay ku dhammaadeen ragga oo ka dhacay Muqdisho.

(Muqdisho, December 10,  2010 Ceegaag Online)

In ka badan 100-haween ah ayaa maanta Seminaar uga furmay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana seminaarkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa haweenkii ka qeyb galay waxaay uga doodeen sida ay uga hortegi karaan fikradaha qaldan ee lagu shubay Ragga sooomaliyeed, isla markaasina lagu baabiyo caruurtooda .

Guddoomiyaha haweenka dalladda ururrada Bulshada G/Banaadir Ruqiyo Cali Cabdulle oo khudbad ka jeedisay furitaanka Seminaarka ayaa sheegtay in haweenka halkaasi isugu yimid ay si ficil ah ugu howlgalaan waaya aragnimada iyo aqoonta ay ka kororsanayaan Seminaarka, isla markaasina min degmo, tuulo ilaa xaafad ay si wadajir ah uga hortagaan wiilasha iyo nimanka lagu shubayo fikradaha qaldan, taasi oo ay sheegtay in haddii arrintaasi ay haweenku ku baraarugaan looga bixi karo dagaalada iyo colaadaha dalka ka socda.

Guddoomiye K/Xigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi oo ka mid ahayd madaxdii iyagu halkaasi khudbadaha ka jeediyay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin udub dhexaadka bulsho kasta oo meel ku nool iyo barbaariyaha ubadka soo koraya, waxayna rajo ka muujisay in boqolka haween ee maanta isugu yimid seminaarka iyagoo isku duuban inay meel marin karaan yoolka ay hiigsanayaan ee ah sidii ay nimankooda iyo wiilashooda uga joojin lahaayeen in lagu shubto fikrado qaldan oo ay sheegtay in dhibaatada laga dhaxlay ay maanta dhadhamisay qof kasta oo Soomaali ah.



Xildhibaan Bishaaro Cabdi Garabey oo ka mid ah haweenka Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa halkaasi ka jeedisay khudbad xambaarsaneyd qiiro wadaniyadeed, iyadoo si kooban uga hadashay doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku lahaayeen ka xoreynta gumeystayaasha dalka Soomaaliya ku soo duulay oo la arkay haween ku dhalay xabsiga dhexdiisa, qaar dahabkoodii iibiyay iyo kuwo kale oo taageerooyin geystay, waxayna sheegtay in hoos u dhac ku yimid isku xirkii haweenka lana arkay haween taageeraya kuwa fikradaha qaldan ku laayay nimankooda iyo caruurtooda.



"Ma jirto kuwa wiilasheena iyo caruurteena ku baabi'inaya diin qaloocan, waxaana ku boorinayaa haweenku inay u istaagaan sidii ay uga hortegi lahaayeen" ayay tiri Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey oo sidoo kale xustay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan ay ceebeysan yihiin, loona baahan yahay haweenka inay guryaha ugu galaan oo wacyi geliyaan kuwooda fikradaha qaldan lagu shubay ayna ka shubaan.
sidoo kale waxaa iyadana halkaasi ka hadashay xildhibaan Xawo c/laahi qayaad oo iyadana mahad naq balaaran u jeedisay Hay.adda CCD iyo kalinta ay haatan bulshadda soomaliyeed ka dhaxwado, sida siminaaradda iyo ku waxyehelinta umadda soomaliyeed sidii ay nabadda uga wada shaqeeyn lahaayeen, waxaayna ku boorisay xubnaha haweenka ah ee siminaaraaka maanta au furmay in ay ka soo saaran go,aano la xiriira qodobadda ay kaga hadleen, iyadoo sheegtay in haweynku yihiin kuwo laf-dhabarka u ah horumarinta bulshadda, iyagoo kaa shanaaya hay,adda CCD.
intii uu socday siminaarkasi waxa heesho gubabo ah halkasi ku soo bandhigtay fanaanadda Binti Cumar Gacal oo k atirsan Hoboladda Qaranka ee waberi kuwaasi oo siweeyn ay ugu riyaaqeeyn xubnihii ka qeeyb qadanayay siminaarakaasi.


Gabagabadii seminaarka haweenka loogu qabtay Muqdisho ayaa iyagu si weyn uga dooday su'aalo loo soo bandhigay, kuwaasi oo isu qeybiyay group group isla markaasina soo diyaariyay jawaabo kala duwan oo ay kala dhex baxeen su’aalaha loo soo bandhigay oo sidaan u qornaa:-
1. Sidee u badbaadin karnaa dhallinyaradeena lagu baabi’inaayo fikradaha qaldan?
2. Kaalintee uga bannaan hooyada Soomaaliyeed badbaadada wiilkeeda?
3. Wax ka sheeg sida looga saari karaa fikradaha qaldan ee lagu shubay qoysaskeena?
4. Kaalintee ku leenahay dhibaatada heysata wiilasheenna?
5. Sidee looga wacyi gelin karaa hooyada qaldan ee aaminsan in Soomaaliya uu jihad ka jiro?
6. Sideen u badbaadin karnaa hooyada iyo wiilkeeda qaldan?
 

Daawo Sawirada Siminaarkaa

Xigasho:Calayaale....By. Nuur-Aduunyo

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com