shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safaradii xeebta DJabuuti oo dib looga furay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

(Muqdisho, December 09,  2010 Ceegaag Online)

Dowladda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u furtay Safaaraddeeda ay ku leedahay dalkan Soomaliya kaddib Xaflada lagu furayay safaraadaasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabaaddaan oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay islamarkaasna lagu furayay Safaaradda cusub oo ay dowladda Jabuuti ku leedahay wadankan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Safaradaasi ee Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaan kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasoo ay kamid ahaayeen R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo dhulka Axmed Cabdiraxman Abaade, Xildhibaanno ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamanka Soomalaiya,safiirka Dowladda Yeman u jooga wadanka Soomaaliya Ambassador Axmed Cumar, Safiirka Dowladda Sudan u qaabilsan Soomalaiya Ambassador Faadil Aljasuuli, Wakiilka Ururka Jaamacacdda carabta u jooga wadankan Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdalla Idiris iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabada.

Danjire Dayib Dubbad Rooble Safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in furitaanka Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya uu ka dambeeyay kaddib markii madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ammar ku bixiyay in la furo Safaardaasi si dadka Reer Jabuuti ay ula qeybsadaan ama ay u garab istagaan Walaalahoda Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Safaaradaha kale ee caalamka laga dhex furan karo gudaha Soomalaiya si ay gacan u siiyana Ummadad Soomlaiyeed ee dhibaateysan.

Sidoo kale R/Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaradda arrimaha Dibadda Mudane Maxamed cabdulaahi Oomaar oo isna hadal koban ka jeediyay Munaasabadada ayaa tilmaamay in furitaanka Safaaradda Jabuuti ee Soomalaiya ay muujinayso in dadka Jabuuti iyo Soomalaiya ay yihiin dad Mataano ah,kuwsa oo isku haya abaal aad u weyn.

Isla maanata ayaa waxaa si rasmi ah Calanka Jamhuuriyadad jabuuti looga taagay Xarunta safaaradad Jabuuti ay ku leedahay dalkan Soomalaiya,iyadoo Furitanka safaaradaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen dhammana dadkii ka soo qeyb galay Munaasabadda, waxaana calanka Jabuuti si wada jir ah u taagay R/wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomalaiya Ambassador Dayib Dubbad Rooble.

Sidoo kale fannaaniinta Soomalaiyeed ee Hobollada waaberi ayaa iyagana soo bandhigay Heeso qiirad leh oo ay ku amaanayeen Madaxweynaha iyo Dalka Jabuuti.

 

 

Xigasho:R/Muqdisho

webmaster@ceegaag.com