shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Raysal wasaaraha Soomaaliya Dr. Farmaajo oo booqday qaarkamida goobaha ay dawlada iyo mucaaradku isku horfadhiyaan Caasimada Muqdisho

(Muqdisho, December 03,  2010 Ceegaag Online)

R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta soo kormeeray Goobihii ay Ciidamada Dowladda KMG-ka Soomaliya Maalintii shalay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Shabab.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxameed Farmaajo R/wsaaraaha Xukuumadda Federaalka KMG-ka Soomaaliya ayaa waxa uu kormeer howled kusoo kala bixiyay Goobo faro badan oo ay Ciidamada qalabka sida maalintii shalay ka saareen maleeshiyaadka Kooxda Shabab,waxaana goobaha uu R/wasaaraha soo kormeeray kamid ah: Dhismaha Gurigii Maxamed Baare iyo Dhismaha gurigii uu lahaa Khaalli Gacameey iyo Xarumo kale oo ka tirsan Degmada Boondheere ee Gobolakni Banaadir.

R/wasaaraha   oo Saxaafadda kula hadlay aagga hore ee dagaalka ayaa ku amaanay Ciidamada Dowladda Dadaalka  Geesinimada  leh ee ay sameeyeen, isagoo ugu hambalyeeyay Guusha ay gaareen.

R/wasaaraha ayaa ujeeddada kormeerkiisa ku sheegay inay tahay sidii uu u soo arki lahaa Goobaha ay gacanta ku dhigeen Ciidamada qalabka sida islamarkaasna ay ka saareen Maleeshiyaadka kooxaha Nabad diidka ah.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in 43 qof laga dilay  Kooxaha cadowga ah ee Weerarka soo qaaday islamarkaasna uu dhaawacoodu yahay mid aan cadad laheyn, waxa  intasai ku daray in Ciidamada Dowladdu ay ka dhaawacmeen 2-askari oo kaliya hase yeeshee aysan jirin wax dhimasho ah oo soo gaaray.

Maxamed cabdullaahi Maxamed Farmaajo  ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadkii soo duulay ay ku jabeen dagaalka islamarkaasna ay ku fashilmi doonaan, waxa uuna xusay in Ciidamada Dowladdu aysan dib u soo laaban doonin illaa ay ka ceyriyaan Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah.

R/wasaaraha ayaa tilmaamay in Al-shabab ay yihiin Gumeysi doonaya in dalka uu ku jiro dagaal oo keliya, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu ay dooneyso nabad, isagoo farta ku fiiqay in dhowr jeer ay ergo nabadeed iyo baaqyo nabadeed   u direen maleeshiyaadka Kooxaha dagaallada wada hase yeeshee ay ka dhego adeegeen.

Wuxuu Tilmaamay in loo baahan yahay in xilligaan kaddib loo soo jeesto sidii loo dhisi lahaa dalka maadaama 20-kii Sano ee lasoo dhaafay ay dhibaatooyin ka jiren gudaha dalka.

Goobaha uu soo kormeeray R/wasaaraha ayaa waxaa ka muqday Burbur xooggan oo ay gaarsiiyeen Dagaalladii ugu dambeeyay oo Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah ku dhexmaray Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Waxa uu R/wasaaruhu kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida oo u taagan difaaca Diinta, dalka iyo  dadka iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Boondheere Cabdullahai Xersi wardheere Istakiin, isagoo kula dardaarmay inay sii dardar geliyaan sidii meesha looga saari lahaa kooxaha mayalka adag iyo ajaaniibtooda ku soo duushay dalka.

Daawo Sawirada waxaana inoo fududeeyay  Sawirqaade: Atoosh

Xigasho: www.radiomuqdisho.net

 

webmaster@ceegaag.com