shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qodid qaabayn ah oo lagu bilaabay Baliga Ceegaag

(Ceegaag, December 11,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa wiigii tagay laga bilaabay magaalada Dismasa ee Ceegaag qodid lagu qaabaynayo baliga Ceegaag oo isagu ahaa haatan ka hor mid dabiici ah. Habayntan ayaa waxaa fulinaya Aqoonyahano ka soo jeeda deegaanka Caymeed iyaga oo la kaashanaya haayadaha caalamiga ah.

Baliga Ceegaag ayaa isagu ka mida baliyada taariikh ahaan ugu qadiimsan balse aan maata ka hor lagu samaynin wax dayac tir ah oo lagu kor dhinayo awooda biyo kaydineed ee baliga.

Dibu habayntan ayaa lafilayaa inay dhiiri galiso in dadka deegaanku u qumaan samaysashada waxyaabaha nolosha kaaba sida Beerashada, hagaajinta bilicda iyo nadaafada magaalada, dardar galinta habaca ku yimid dhismayaasha oo haatan lala sugu wakhtiga roobka, iyo waxyaabo badan oo nolasha magaalada ka mid ah.

Daawo Sawirada shaqada baliga kasocota

Cali Osman Yusuf(Cali dhagjar)
Ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com