Wararka laga helayo Magaalada Laascaanood ayaa ku soo Waramaya in Guud ahaanba Gobolkaasi sool haatan ay ka taagan tahay Biyo la,aan saamayn Wayn ku yeelatay Nolosha Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood iyo Xoolaha dhaqadata Deegaankaasi Gobolka Sool oo haatan ay soo Food Saartay biyo la,aantii ugu darnayd inta la Xasuusan yahay, Waxan Kaloo Gobolka ka jira Xaaluf deegaanka soo Foodsaaray dhinaca daaqa.
 
 
Gudaha Magaalada Laascaanood ayaana laga Dareemayaa Qiimaha biyo Macaan oo gaadhay Halkii ugu Waxana foostada biyaha Macaan gudaha Magaalada Laascaanood lagu kala iibsanayaa Qiimo lacageed oo gaadhay 7$ Doolar oo Somali ahaan 210 Shili Somali, Waxana Biyaha Macaan laga soo Qaadaa Deegaano ka fog fog Magaalada Laascaanood oo kala ah Kala Baydh Xudun iyo Deegaano kala oo Gaadiidku ka soo Qaadaan biyaha Macaan.
 
Guud ahaanba Gobolka Sool iyo Deegaano badan oo katirsan Mandaqada SSC Ayaa Waxaa Xiligan soo food saartay biyo la,aan iyo Xaaluf dhinaca Deegaanka ah, iyadoona sabab looga dhigayo Roobabkii dayrta ee sanadka oo aan si Wanaagsan Gobolka uga Curan isla Markaana haatan Abaartu soo Wajahday Guud ahaan Gobol badan oo katirsan Somalia.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle