shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax Sababay Dhimasho oo ka Dhacay Magaalada Burco

 

(Burco, December 26,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaasi Togdheer ayaa ku soo Waramaya in Xaafad kamid ah Xaafadaha Magaalada Burco uu ka dhacay Qarax Xoogan oo siwayn looga Maqlayey Guud ahaanba Magaalada Burco, Qaraxani ayaana ka dhacay Goob ay ku Ciyaaraheen Qaarkamid ah Carruurta Gobolkaasi kunool oo Xiligaasi goobtaasku ku sugnaa.
 
Ugu yaraana Labo Ruuxi oo Walaalo ah oo Carruur ah ayaana Qaraxaasi ku Dhintay Waxan Qaraxaasi yimid kadib Markii ay Ku Ciyaareen Bunbo Gacmeed kuwa gacanta laga tuuro ah oo ku Hoos jirtay Geed Xaafadooda kuyaala Xiligaasi kadibna taasin Keentay inuu Qaraxaasi goobtaasi ka dhaco khasaaraha Dhimashada ah Gaystay oo Dadwaynaha Reer Burco aad uga Xumaadeen Qaraxaasi Tacsina u Diray Qoyskii Carruurtaasi kaga Dhimatay.
 
Inta Badan Magaalada Burco iyo Guud ahaanba Gobolka Togdheer ayaa Miinooyin iyo Qaraxyo Noocan oo kale ah ka dhacaan iyagoona Gaystay Khasaare Dhimasho Dhaawac iyo Mid Soo gaadhay Duunyada Gobolka Togdheer kunool, Waxana Qaraxyadani sabab looga dhigayaa iyadoo Gobolka ay ku aasan yihiin Miinooyin iyo Waxyaabaha Qarxa oo ka Hadhay Hadhaagii Dagaaladii Gobolkaasi ka dhacay oo Wali Gpbolka Miinooyin ku aasan yihiin......
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com