shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaharaad Maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooda Hargaysa iyo Qaarkamid ah saxafiyiin Jirdil loo Gaystay

           (Hargaysa, December 30,  2010 Ceegaag Online)

Madaxtooyada Magaalada Hargaysa ayaa Maanta horteeda ayaa Waxa ka dhacay Mudaharaad Balaadhan oo Dadwayne Cadhaysani isugu yimaadeen Xarunta Madaxtooda Horteeda iyagoona ka dhigay dibad Bax balaadhan oo Mudo socday, Dadkani Maanta Cadhaysani ayaa ka cabanayay Cadaalad daro ay sheegeen inay kala kulmeen Maxkamadaha Gobolka Hargeysa gaar ahaan Gudoomiyaha, waxa kale oo ay dadkani ka cabanayeen caruur danyar ah oo agoon ah oo ay sheegeen inay loo Xukumay Dadkale oo aan lahayn.

Dadweynahan ayaa sitay Boodhadh ay ku xardhan yihiin Erayo lidi ku ah Maxkamada iyo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo uguna Baaqay in
arimahaasi sharcidarada ah si deg deg ah Wax looga Qabto, Waxa intaask kadib Halkaasi ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyagoo gacan ula tagay Sawirqaadayaal ka tirsan Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv iyo Telefishanka SSCH oo Wariyaashaasi Goobtaasi ugu Gaystay Jirdil Madaxtooda horteeda.

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Ilo Wargali ah oo Magaalada Hargaysa ayaa noo sheegay in Ciidamadu Kala Cadhiyeen Dadwaynihii
Mudaharaadka ka dhigay Madaxtooda Horteeda iyagoona Goobtaasi Keenay Ciidamo dheeraad ah, Dibad Baxni ayaan ku soo beegmaya iyadoo Todobaadkani ay Ardayda Jaamacada Hargaysa Mudaharaad Balaadhani ka dhigeen Magaalada Hargaysa oo Rabshado Watay Xidhayna Qaarkamid ah Wadooyinka..
 

 
Cali Osman Yusuf(Cali dhagjar)
Ceegaag.com

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com