shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxkamada Hargaysa oo Xukuntay diyaaradii ku Xarinayd Garoonka Hargyaysa ee Puntland ku siiJeeday

           (Hargaysa, December 30,  2010 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo Magaalada Hargaysa ayaa ku soo Waramaya in Maanta Maxkamdda Gobolka Hargeysa oo maant soo gabagabaysay Dacwadii loo Haystay diyaaradii ku sii Jeeday dhinaca puntland oo Qalabka Ciidamada Bada u Watay Ciidamada Badaha puntland oo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ku Xidheen Ciidamada Maamulka somaliland ee Garonka Magaalada Hargaysa Bishan Gudaheeda iyagoona ku eedeeyey Diyaarahaasi inay sharci Daro uga soo Degtay Garoonka Diyaarahada ee Magaalada Hargaysa Dacwadna lagu Qaadi Doono diyaaradaasi iyo shaqaalaha saaran dhamaantood.


Dacwadaasi oo ka socotay Maxkamada Magaalada Hargaysa Xukunkan ayaa soo gabagabeeyay kadib markii ay Xeer ilaalinta iyo Guddi loo saaray
Kiiskaasi ay dhawaan Maxkamadda u gudbiyeen xadgudubyada ay ku kaceen, isla markaana Maxkamaddu laba fadhi oo h ore u qabatay Xeer ilaalinta iyo Qareenadii Difaaacayay diyaaradaasi iyo shaqaalhii saarnaan oo dhasho ahaan ka soo Jeeday Wadanka Ruusha Maantana la Xukumay.


Maxkamad ayaana Diyaaradaasi ku Xukuntay Lacag Ganaax ah oo dhan 4000$ oo Doolar Sidoo kale Waxa Shaqaalihii Diyaaradaasi saarnaa lagu
Xukumay Min Hal sano oo Xariga iyo in loo Dhaadhico Xabsiga Magaalada Mandheera si Dadkaasi loogu Xidho, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Hargaysa ayaana sidoo kale Xukumay in Xukuumada Maamulka Somaliland Xaq u leedahay inay la Wareegto Dhamaan saanadii Milatari ee saarnay diyaaradaasi
 

webmaster@ceegaag.com