shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan Ku Saabsan Doorka Culimada ee Xalinta Dagaal Beeleedyada oo Garoowe Ka Dhacay

(Garoowe, December 04,  2010 Ceegaag Online)

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Cadaalada ,arimaha Diinta iyo dhaqan celinta Dawladda Puntland oo gacan ka helaysa Hay’ada NCA ayna kasoo qaybgaleen Culimaa’udin ka kala yimid degaanada Puntland ayaa lagu gorfeynaayay doorka culimada diintu ku leeyihin xalinta khilaafaadka beelaha ee dhaliya khasaarooyin iyo fahansiinta bulshada waxyaabaha diintu ka qabto.

Culimaa’udinka maanta kulanka uga furmay xarunta Wasaarada ayaa waxaa ka dhexmuuqday culimaa’udinka ugu caansan degaanada Puntland,waxanaa mudada kulanka uu socdo la rajeynaaya in ay soo saaraan qodobo ay isla meeldhigeen kuna aadan xakamaynta khilaafaadka beelaha oo sanadahaan dambe ka dhacaysay degaanada Miyiga ee Puntland salkana ku haysan muran la xirrira daaqsiinta iyo biyaha.

Masuuliyinta furitaankii kulanka kasoo qaybgashay waxaa kamid ahaa Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha diinta Cabdikhaliif Xaaji Xassan, Culimo ka socotay Ururka Culimada Islaamka ee Afrika oo lagu martigeliyey kulanka kuna xeeldheer arimaha xalinta khilaafaadka.

Madaxa Hay’ada NCA ee Soomaaliya Mr.Burhaan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ka qayb qaadanayaan kaalintooda kaga aadan xal u helida xurgufta beelaha kala gaarta,wuxuuna sidoo kale sheegay in NCA caawinta culimada ay caawiso ay yartahay waxaa ay ku caawiso hada inta in ay tahay wax ay ka caawiso wax muhiimad u leh degaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysna ahayn markii ugu horeysay oo kulankaan oo kale ay Hay’ada NCA ay qabato balse ay kulamo hore jireen kuwaasoo ay culimada ka caawinaysay dhinaca wacyigelinta Burcadbadeeda.

Wasiirka Cadaalada Eng.Cabdikhaliif Xaaji Xassan ayaa sheegay in ay Culimada u noqon karaan udub dhaxaad xalinta khilaafaadka beelaha Puntland oo ah kuwo dhowr jeer soo noq noqday.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Culimada Puntland ay yihin kuwa ku xeel dheer diinta,kulankaan maanta uu yahay mid muhiimad weyn u leh culimada maadama ay goobjoog ka yihiin culimo kasocota Ururka Culimada Afrika.

Kulankaan ayaa lagu wadaa in Culimada kasoo saaraan qaabka ugu wanaagsan oo ay culimada ku xalin karto khilaafka beelaha ee soo noq noqotay.

 

Daawo Sawirada

 

Xigasho:Horseed

 

webmaster@ceegaag.com