shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Koox ku raadjoogtay danbiile ka soo baxsaday Galdogob oo ay fooda isdareen maleeshiyo Beeleedyo Agagaarka  tuulada Dandan

 

(Buuhoodle, December 22,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa ku soo waramaya in xalay ay fooda isdareen kooxo ku daba joogay danbiile iyo maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa tuulada Dan-Dan. Nin ayaa ku geeryooday reer Galdogob ah halka uu ku dhaawacmay nin ka soo Jeeda Buuhoodle.

Ninkii dhintay ayaa hada yaala Buuhoodle iyada oo ay waxgaradkii reer Galdogob diideen in la'aaso ilaa la keeno ragii Dilay, Halka ninkii dhaawaca ahaa loo qaaday Garoowe.

Wararka ayaa xaqiijinaya in Kooxahan reer Galdogob ay doonayeen inay ka qafaashaan nin danbiila ah, oo lagu eedaynayo inuu  danbi dil ah ka soo sameeyay Gaalkacayo, kaa soo gabaad usoo aaday reer abtigii siiba tuulada Qorulugud.

Goobjooge ayaa noo xaqiijiyay in ay diideen in kooxdan reer Galdogob inay sheegaan waxa ay doonayaan ayna wateen laba gaadhi tiradooduna ahayd 15 nin, goobjoogahan ayaa noo sheegay inay diideen inay is sheegaan cida ay yihiin iyo waxa ay u socdaan taasoo shaki wayn ku abuurtay maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa agagaarka tuulada Dandan tasoo keentay inay weerar ku qaadaan dhalinyaradan.

Sidoo kale eedayn ayaa uga timid ciidamada Itoobiya eedayntan oo lagu sheegay inay kooxda dhalinyarada ee reer Galdogob ay yihiin koox ka tirsan Kooxda Al-shabaab tasoo ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen Kooxdan ayna soo wada xidhxidheen.

Dhalinyaradan ayaa hada ku xidhan Buuhoodle. Halka waxgaradkii reer Buuhoodle iyo reer Galdogob wada hadal uga socda sidii shaqaaqadan loo xalin lahaa.

Cali Dhegjar

Buuhoodle

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com