shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Koobkii Ciyaaraha gobolada Somalia oo Garowe Galabta ka furmay iyo Madaxwaynaha Puntland oo Xariga ka jaray.

(Garoowe, December 15,  2010 Ceegaag Online)

Garoonka Kubada Cagta ee Mire awaare ee Magaalada Garowe ayaa galabta Waxa Koobkii ku bada Cagta  18aad Gobolada Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen ilaa 15 gobol oo ka tirsan Gobolada Soomaaliya oo Mudooyinka ku soo Qul Qulayey Magaalada Garowe.

Xaflad aad u balaaran oo siweyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin badan oo ka tirsan dowlada Puntland islamarkaana uu horkacayo madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Garowe, Waxana kaloo furitaanka Ciyaarahaasi ka soo Qayb galay Masuuliyiin katirsan Labada Galaha Wasiirada iyo Baarlamaanka shacab tiro badan oo siwayn garoonka u buux dhaafiyey....

Kulankii ugu horeeyay maanta waxa uu dhexmaray labada gobol ee kala ah Nugaal Vs Shabeelaha Hoose, waxaana ay soo bandhigeen labada gobol ciyaar toydooda Ciyaar aad iyo aad u xiiso badan oo siweyn u cajabisay Daawadayaashii  soo daawashada tagay Waxayna Ciyaartu ku Dhamaatay  1- 0  oo guusha ay ku raacdey Gobolka Nugaal .Madaxwaynaha Puntland ayaa Goobtaasi ka soo Jeediyey khudbad Qiimo badan oo kaga Hadlay furitaankii Ciyaaraha ee Maanta..

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com