shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada Cuqaasha Buuhoodle oo Shir Balaadhan Buuhoodle ku yeeshay, kadibana Saxaafada la Hadlay

           (Buuhhodle, December 13,  2010 Ceegaag Online)

Qaybkamida Go'aamadii oo uu saxaafada u akhrinayo Caaqil Cabdiraxmaan  Axmed olole Dhagayso

Magaalada Buuhoodle Waxa Maanta galinkii hore ka dhacay shir Balaadhan oo ay ka soo Qayb Galeen Dhamaan Isimada Cuqaasha iyo Qaarkamid ah Waxgaradka Kale ee Deegaanka Buuhoodle oo Maanta kulankii ugu horeeyey kadib Shirkii Maygaagle ku yeeshay Gudaha Magaalada Buuhoodle, oo kaga Hadlayeen Xaaladaha haatan ka taagan Deegaanka Buuhoodle.
 
Kulankani ayaa Maanta Waxa Hadal Jawaab ah Saxaafada loo Mariyey Waxgaradka Bariga Burco oo Qaarkood Warbaahinta ka sheegay in Beesha Buuhoodle tahay Nabadii isla Markaana ka soo Horjeesteen go,aamadii ka soo shirkii ka dhacay Maygaagle ee Culumadu go,aanka ka soo saartay, Waxana Maanta kulankani Waxgaradka Buuhoodle laga soo saaray dhinacooda Qodobo kala ah.

Waxaa kaloo saxaafada la hadlay Caaqil Hindi Maxamed Adan Caws Dhagayso

 

 
1. in Beesha Buuhoodle diyaar u tahay inay ka shaqayso Dhinacooda Guud ahaan Nabada diyaarna u yihiin inay Wadahadal la galaan Beesha Bariga Burco.

2. in Baliga Kalshaale yahay Deegaan Reer Buhodle leeyahay oo aan buran ku jirin Horayna u lahaan jireen Maxkamadii Maygaaglena Markhaatiyaal keeneen.

3. in Dhibaatada Kalshaale ka taagan uu Masuul ka yahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal, Waxana Halkaasi Go'aamadaasi oo farabadnaa akhrinayey Labo Caaqil oo kala ah Caaqil Hindi Maxamed Adan Caws iyo Caaqil Abdiraxmaan Axmed oloe oo Waxgaradka Buuhoodle u Wakiishay inay saxaafada la hadlaan.

 

     Daawo Sawirada Shirka Buuhoodle

 

Cali Osman Yusuf(Cali dhagjar)
Ceegaag.com

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com