shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hooyo Umushay Seddex Mataanood Oo Mid Ka Mid Ahi Leeyahay Afar Xiniinyood (Daawo Sawirada Carruutaasi).

 

(Taysa, Gabiley, December 20,  2010 Ceegaag Online) 

Haweenay magaceeda la yidhaa Raaxo Carab Aw Muxumed ayaa Laba Todobaad ka hor ku umushay mataano sadex ah, Laba wiil iyo Gabadh tuulada Taysa oo 20 KM koonfur ka xigta magaalada Gabiley.

Weriyayaal ka tirsan shabakada wararka ee Gabiley News oo Gabadhaasi danyarta ee illaahay siiyay awlaada sadexda ku booqday gurigeeda ku yaala tuulada Taysa, halkaasi oo ay kula kulmeen hooyadii mataanaha sadexda ah dhashay iyo sadexdii mataanood oo intooduba caafimaad qaba.

Hooyada sadexda mataanood dhashay oo weriyayaasha Gabiley News waydiiyeen bal caafimaadkeeda guud iyo sida u dareemaysay mataanahan sadexda ah ayaa waxay tidhi "Caafimaadkaygu wuu fiican yahay, sadex caruur ahna way caafimaad qabaan. Waanan dareemayay inaan mataano siday oo culays badan ayaa jiray inkasta oo aanan islahayn sadex ayaad hal mar wada dhali."

"Waxaan ku dhalay gurigayga, dhakhtar maan awoodayn dhaqaalena maanan haysan. Umulisooyinka deegaanka ayuunbaa iga umuliyay. Alxamdulilaah illaahaybaa mahad leh." Sidaasi waxaa tidhi hooyada dhashay mataanaha sadexan mar la waydiiyay inay dhakhtar la xidhiidhay iyo inkale.

Qoyska sadexda caruur ahi u dhasheen ayaan gala hoy aad u yar oo runtii qofkasta oo arkaa dareemi karo baahida nololeed ee ku gadaaman, taasi oo qofka damiirkiisu fayaw yahay ka jidhidhicoonayo markuu arko heerka nololeed ee qoyskaasi iyo ubadka sadexda ah ee kusoo biiray.

Hooyo Raaxo Carab mar la waydiiyay Bal waxyaabaha aasaasiga ah ee ay ilaa iyo hadda u baahan yihiin waxay tidhi "waxaanaan u baahnaynba ma jiro, qofka wax haysta ee wax ka maqan yihiin ayaa la yidhaa maxaad u baahan tahay? Caruurta iyo aniguba waxaan u baahanahay nafaqo, hu iyo hoyba. Markaa cid alla ciddii hor illaahay wax noogu taraysa waxaan odhan lahaa wax hala nasoo taro."

Hooyada sadexda caruur ah halka mar wada dhashay ayaa baaq usoo jeedisay guud ahaan umada muslimka ah gaar ahaan shacabka  meelkasta oo ay dunida guudkeeda ka joogaanba  inay u baahan yihiin in la kaalmeeyo qofkastana wixii uu karayo kusoo taro illaahayna ajar iyo xasanaad ka siin doono. Dhanka kale aabaha sadexda caruur ah u dhasheen oo Gabiley News wax ka waydiisay bal dareenkiisa sida ay u saameeyeen sadexda caruur ah ee halka mar u wada dhashay, isagoo arintaasi ka jawaabayana waxaa uu yidhi "Magacaygu waa Axmed Daahir Sh Qaasin Muuse Diiriye.

 Walaal alxamdulilaah marka hore mataanahan sadexan waa hadyad illaahay noogu deeqay, waan ugu shugriyanaa. Marka labaad soomaalidu waxay ku maahmaahdaa HADUU ROOB YIMID, ROOROOR YIMID. Mataanahad sadexda ah ee halka marka wada dhashayna dhib iyo dheefba way lasoo kordheen. Meesha ay ku dhasheena waa miyigaasi aad arkaysaan (weriyayaasha) iyadoo nolosha qoyskuna aad u hoosayso oo aanay jirin meel ay wax kasoo galaan."

"dhibaatooyinka aan sheegi karo waxaa ka mid ah iyadoo gabadhu wakhtiyadii ay uurka ku siday ku dhacay xanuun barar faro badan, manaan awoodi karayn inaan dhakhtar geeyo oo aan ahayn nin hayntiisu liidato. Illaahaybaa u gargaaray oo maanta waa kuwaa caafimaadkoodu wanaagsan yahay."

Aabaha ay u dhasheen sadexda caruur ah ayaa isaguna sidoo kale guud ahaan umada islaamka ah meelkasta oo ay joogaan ka dalbaday inay kusoo caawiyaan qofkastaaba wixii uu u helayo.

Mataanahan oo todoba ka dhigaya caruurta ay dhaleen labadan waalid ayaa waxaa ku jira sadexda mataanood wiil mucjiso ah oo xubnihiisa taranka raggu yihiin AFAR (afar xiniinood). Waana arin aan hore loogu arag guud ahaan gayiga Soomaalidu dagto tan iyo inta la og yahay.
Fiiro Gaar Ah: Ciddii wax ku sadaqaysanaysa Qoyskaa danyarta ah ee mataanaha sadexani kusoo kordheen ha ugu soo hagaajiyaan xawaaladaha dalka.

Aabo: Axmed-Daahir Sh Qaasin Muuse Diiriye iyo Hooyo Raaxo Carab
Tel: +252-2-4660051

Source: Gabiley

webmaster@ceegaag.com