shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ha'yada WHO Unicef oo Degmada Ceegaag ka Bilaabay Talaalka Carruurta

 

(Ceegaag, December 28,  2010 Ceegaag Online)

Degmada Ceegaag Waxa Maanta Galinkii hore laga Bilaabay Talaalka Maalmaha Caafimaadka oo Degmadaasi Ceegaag La Gaadhsiiyey Talaalkaasi oo ay fulinayso Ha'yada Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Gacan ka helaysan Ha,yada Kale ee Unicef oo katirsan Ha'yadaha Samafalka ah ee ka Hawl Gala Gudaha Wadanka Somalia kana shaqeeyaha Arimaha Caafimaadka.
 
Talaalkani ayaana Waxa Maanta Degmada Ceegaag ka Bilaabay Kooxaha Caafimaadka oo Degmadaasi Ceegaag loo tababaray oo Gaadhsiinaya Dhamaan Xaafaha ay ka kooban tahay Magaalada Ceegaag Waxan Masuuliyiinta Ha'yada WHO ee ay sheegeen in Talaalkaasi loogu talagalay Carruurta Da'doodu Gaadhayso 5 sano inay ka Faaiidaystaan Maalmaha Talaalku uu ka soconayo Guud ahaan Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda.
 
Waxana Kaloo Talaalkani uu Maanta ka Bilaabay Magaalada Buuhoodle iyo Degmooyinka Kale Iyadoona Horay gobolka looga Bilaabay Talaal Kale oo ka yimid Wasaarada Caafimaadka Puntland oo ay soo Marisay Ha'yadaha WHO iyo Unicef, Waxana Deegaanka Buuhoodle Mar kaliya soo gaadhay Labo Talaal oo ka kala yimid Garowe iyo Hargaysa oo Dhamaan Shaqaalahoodu Haatan Gaadhsiiyeen Dhamaan Deegaanka oo Dhan.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com