shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Cayn oo ka Hadlay Ciidamada Maamulka Somaliland ee Maygaagle ku sugan iyo Xaalada Abaaraha ka jirta Mandaqada.

 

(Buuhoodle, December 25,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiye K/xigeenka Gobolka Cayn Maxamud Sh Cumar Dhageyso

Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn Maxamuud Sh Cumar Xasan ayaa shir Jaraad ku Qabtay Magaalada Buuhoodle Waxana uu shirkiisan Saxaafada u Qabtay kaga Hadlaya Xaalada Guud ee Haatan ka Jirta Gobolka Cayn iyo Waxyaabaha Xaaladahaasi ay Doonayaa inay ka Maamul ahaan Wax kaga Qabtaan Xiligan, Waxa uu kaga Hadlay Qodobo Dhowr ah.

Qodobadaasi oo kamid ahaayeen Ciidamada Maamulka Somaliland ee Haatan ku Sugan Deegaanka Maygaagle oo Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn uu sheegay in inta Badan gobolka Cayn Ciidamada Maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin Waxana uu Faah faahin kaga Bixiyey Talaabada Maamulkiisa iyo Shacabka Gobolka Cayn looga Baahan yahay.

Qodobka Labaad ayuu laga Hadlay Xaalada Guud ee Amaanka Gobolka Cayn oo ku sheegay in Amaanku Wanaagsan yahay Xiligan Ciidamaduna ku jiraan Heegan Buuxda oo Wax kastaaba ay Dhici Karaan Waxana uu si Qoto dheer faah faahin kaga Bixiyey Nabadgaliyada Guud ahaanba Deegaanka, Waxana uu ka Codsatay Dhamaan Waxgaradka Buuhoodle in sugitaanka Amaanka Meel looga Wada Istaago.

Ugu Danbaytiina Waxa uu Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn Soo Qaatay Abaaraha iyo Biyo la,aanta Haatan laga soo sheegayo Deegaano badan oo katirsan Gobolka Cayn oo lagu soo Waramayo in Xaalada Biyo la,aaneed ka jiro, Waxana uu ka Codsaday Ha,yada ka Hawl gala Puntland inay Deegaanka Buuhoodle soo gaadhsiiyaan Kaalmo Biyo ah oo Deg deg ah iyo Raashin si Dadka loo gaadhsiiyo.

Cali Dhagjar

Buuhoodle 

webmaster@ceegaag.com