shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Gudiga loo Xilsaaray ka Hadalka Baliga Kalshaale oo ka hadlay Qaabkii ay u dhacday Dacwadii Maanta

(Maygaagle, December 05,  2010 Ceegaag Online)

Wareysiga Caaqil C/raxmaan Axmed Xaaji Diiriye (olole)   Dhagayso

Kadib Markii Maanta Madasha shirka Maygaagle uu ka furmay dhagaysiga Dacwadii Labada Beelood oo ay dhagaysanayeen dacwadaasi Culumo oo Xilsaaray Qaadista dacwadaasi iyo go,aan ka gaadhista ayaa dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga loo Xilsaaray ka hadal iyo Doodi taanka Baliga kalshaale iyo deegaanada farabadan deegaanka Buuhoodle Caaqil C/raxmaan Axmed Xaaji Diiriye (olole) Waxa uu shabakada Wararka Ceegaag.com shirkaasi Markii uu soo dhamaaday uga Waramaya Qaabkii ay Maanta u dhacday Doodii ay Halkaasi ka Dhiibteen Madasha Shirka.
 
 
Caaqil C/raxmaan Axmed olol Waxa uu shabakada Wararka Ceegaag.com in Doodii Maanta ay goobtaasi ka soo jeediyeen ahayd tii ugu Qiimaha badnayd isla Markaana Dacwadooda kaga Hadleen inay leeyihiin Degmada Caynabo Qurulugud Coodanle iyo Deegaano farabadan oo Gobolka togdheer ku teedsan oo Beesha gobolka togdheer si sharci daro ah deegaanadaasi halkaasi uga Qoteen, inkastoo Culumado goobta ka sheegtay inay dacwada looga hadli karo oo kaliya Baliga kalshaale Mulkiyadiisa iyo khasaarihii Goobtaasi ka dhacay. 
 
Caaqilka ayaana sidoo kale Meesha ka saaray in Guud ahaanba Waxa lacag ah oo laaluusha ay ka Qaateen isla markaana ku Dacwiyayeen Dhulkooda ka maqan ee lagu Qotay sharci darada, Waxan uu Caaqiku Meesha ka saaray in Khilaafkii ku kala dhex jiray Gudiga uu Maanta Meesha ka baxay, Kalshaale Beesha Buuhoodle leedahay shirciga ku Heli Doonaan Dacwadoodiina ay Maanta ku gudbiyeen iyadoo Qoraal ah iyo Codba, Waxa Caaqil C/raxmaan Axmed olole ugu baaqay Cidkastaa oo kalshaale arimaheeda Xiisanaysaa inay la Xiriiraan Gudiga Arimahaasi loo Xilsaaray ( Waraysigaasi oo Dheer oo ka Hadlaya Qaabkii Dooda Maanta ka dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com)

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com