shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudigii Dhex Dhexaadinta Kalshaale oo Go,aan ku Gaadhay in Shareecada Islaamka looga Wadahadlo Baliga Kalshaale Culumana Keentay Maygaagle

(Maygaagle, December 02,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa ugu horayn goobta ka hadlay Garaad Ciid Dhagayso

Gudigii Dhex Dhexaadinta ee ku kala Jiray Labada Beelood ee ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa Maanta Madasha Shirka Maygaagle kaga Dhawaaqay inay Dagaalkii ka dhacay Baliga Kalshaale oo labada Beelood ku Muran san yihiin in Loo Gudbiyey Shareecada Islaamka isla Markaana loo Saaray Culumo Dhex Dhexaada ah oo dhagaysan Dooda Dacwada ay goobtaasi ka soo Jeediyaan Labada beelood, Culumadaasi oo laga soo Xulay Dhamaan Gobolada Dalka somalia oo Maanta Soo Gaadhay Deegaanka Maygaagle si ay Hawshaasi u Bilaabaan Si Cadaalad ahna Labadaasi Beelood kormerayaha Baliga Kalshaale kadiba Go,aan ka gaadhi Doona kadib Dooda labada Beelood Markay dhagaystaan
 
 
Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadinta Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa goobta ka sheegay kadib Markii ay arkeen Culuska ay Howshani leedahay inay ka firsan Wayday in Shareecada Islaamka lagu kala Baxo Waxana uu Suldaanku sheegay inay Culumadani ka Kooban tahay 9 Wadaad iyo 8 kamid ah Gudigii Dhex Dhexaadinta 25 Xubnood oo Culumada Warbixin ka Siin Doona Guud ahaanba Deegaanka Waxan kala ogaan Doona go,aamada ay Culumadu kadib gaadhi Doonaan iyagoona Howsha Culumada Kaalin ka Siin Doona.

 Qudbadii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar Dhagayso

 
 
Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadinta Labada Beelood ayaana Goobta ka sheegay in Labada Beelood u soo Diyaar garoobaan Shareecada Islaamka inay kaga Hadlaan lahaanshiiyaha Baliga Kalshaale iyo Beel kastaaba Waxay tir sanayso loobana baahan in Culumada laga Sugo go'aanka ay gaadhaan Kadib Dooda Markay Bilaabanto Maalinta Sabtida.
 
 
Ugu danbaytiina Wax Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadintu ku Wargaliyey Dhamaan Isimada Cuqaasha Culumada Labada Beelood inay dhagaystaan Dacwadu Maalinta sabtida ah laakiin aan Waxa hadal ah oo Kale Goobta ka Furnaan Karin, ayna Madashada ka Hadli karaan Gidiyada Labada Beelood Culumada Shareecada Bilaabaysa iyo 8 Xubnood ee ka socda Gudiga Dhex Dhexaadinta.

 

Daawo Sawirada

 

 
 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com