shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciyaarihii Gobolada Somalia oo Garoowe ku soo Xidhmay iyo Banaadir oo koobkii Qaaday(Daawo sawirada )

 

(Garoowe, December 31,  2010 Ceegaag Online)

 

Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garoowe ayaa galabta Waxa ka dhacday Ciyaartii ugu danbaysay Ciyaaraha Gobolada Dalka Somalia oo Dhexmaraysay Gobolada Bari iyo Banaadi oo iyagu u soo baxay Finalka ciyaraaha Gobolada Dalka Somalia ee ka socday Magaalada Garoowe ee Xarunta Caasimada Dawlada Puntland Labadii todobaad ee ugu danbeeyey.


Ciyaarta o  ku Bilaabatay Jawi Dagan Waxaa Qaybtii Hore ee Ciyaarta Gool La Yimid xulka Banaadir Kaasi oo CIyaarta KU Dhmaatay Iyadoona Gobolka Bari Uu Isku Dayay in uu Iska Soo Gudo Goolkaasi Hadana uma suuroobin Waxana Markii Ciyaartu soo Xidhantay Sawaxan xoogan ka Muujiyey taageerayaasha Gobolka Banaadir ee Caasimada Wadanka Somalia, halka taageerayaasha Xulka Gobolka Barina Waji Hadooda ka Muuqatay Cadho Xoogan iyo Murugo.


Ugu danbayntiina Waxaa koobkii Ciyaaraha Gobolada Dalka Somalia la Gudoonsiiyey Xulkii ka socday dhinaca Gobolada Banaadir oo uu Gudoonsiiyey Kabtanka kooxdaasi Banaadi Madaxwaynaha Dawlada Puntland oo hanbaliyo u diray kooxda Gobolada Banaadir Ciyaarta ay Maanta ku soo bandhigeen, Madaxwayne Faroole ayaana sheegay inay shacabka Puntland iyo kan soomaaliyeedba Guul u tahay in gobolka Banaadi koobka ciyaaraha gobolada somalia ku guulaysto sababtoo ah ayuu yidhi Madaxwayne Puntland Waxaan rabnaa inay guriyoodii ku Noqdaan iyagoo Koobka Wata kana shaqeeyaan Amaanka Somalia iyo is dhex galka.


Amaanka Garoonka ayaana galabta ayaad loo adkeeyey Waxaana goob kasta la dhigay oo kamid ah Wadooyinka soo gala garoonka Ciidamo dheerad ah oo Kaalin xoogan ka Qaatay sugida amaanka Garoonka, Waxana kaloo Kur loo Qaatay bilicda garoonka iyo tan Magaalada Garoowe oo koobku uu ka socday.




Cali dhagjar
Ceegaag.com
Garowe



webmaster@ceegaag.com