shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Go’aan xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale

(Maygaagle, December 08,  2010 Ceegaag Online)

Go'aamadii oo cod ah    Dhagayso

 

بسم الله الرحمن الرحيم

Taariikh: 03/01/1432H,   08/12/2010 -                      Meygaagle

 

KU:   labada beelood ( Beesha  Buuhoodle & Beesha  Qori lugud)

 

OG: DHammaan salaadiinta, garaaddada , boqorrada, cuqaasha iyo odayaasha dhaqanka

 

UJ: go’aan xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale

 

Haddii aannu nahay guddiga garsoorka ee hoos ku saxeexan , waxay kalsooni buuxda noo siiyeen labada beelood  ee kala ah beesha Buuhoodle iyo beesha Qori lugud,oo ay wakiilu dacwo u ahaayeen: Saleebaan Maxamed Jaamac, Cali Cabdi Cali, C/raxmaan Axmed Diiriye, oo ahaa dhinaca B/hoodle, iyo Caaqil Cali Caddaani Cali, Cismaan Ibraahim Warsame, Adan Warsame Cawed:  inaan shareecada ku kala saarno arrimaha ay isku hayeen oo kala ah :

A- Dhimashadii, dhaawacii iyo hantidii ku dhuntay shaqaaqadii dhex martay labada beelood:   9 – 10kii bishii Dilxijja 1431H

 

B- Lahaanshaha balliga Kalshaale iyo nawaaxigiisa:

 

Markaan dhegaysannay dacwada labada dhinac, aragnayna qoraalladoodii.

Markaan tagnay goobtii ay isku hayeen lahaanshaheeda ee Kalshaale .

Markaan dhegaysannay qiraalka ay isla qirsan yihiin dhimashada, dhaawaca iyo furka.

Markaan dooddoodii u bandhignay shareecada , kana baaraan degnay.

Markaan huibin ku sameynnay degaannada beelahan

Waxaannu  go’aaminnay sidan:

 

1-    In  10ka nin ee ay kala dileen oo toddoba u dhalatay beesha Qorilugud, saddexda kalena beesha Buuhoodle, laga bixiyo mag culus ( muqalladah), oo ninkiiba yahay: 100 halaad oo kala ah: 40 halaad oo rimman, 30 qaalmood oo 5 jir ah , iyo 30 qaalmood oo 4 jir ah, bixintuna tahay mag dharaareed( xaallah).

2-    In ragga ka dhaawacan labada dhinac la kala xaqdo marka ay bogsadaan,  kuwaasoo kala ah: beesha Qori lugud 6 nin, beesha B/hoodlena 3 nin, xaqooduna  waa diyo  culus( muqalladah).

3-    In wixii hanti ah ee sugma , beel waliba u celiso tan kale wixii ay leedahay.

 

B- Balliga Kalshaale:

1-  In beelina   si gaar ah aanay u lahayn Baligaas , isla markaana ay wadaagaan labada beelood biyihiisa, daaqiisa  iyo degaankiisaba..

2-    In beesha Buuhoodle ay xaq u leedahay inay ka qodato dhinaca kale ee balliga  saddex berkadood, beesha Qori lugudna leedahay saddexdii ay horey u qodatay.

3-    In aan lagu darin dhisme  Magaalo ah iyo Baraago kale  midna maadaama ay goobtu tahay dhul daaqeed.

 

 

Eeg:

 

1-    Akhri xadiiska uu weriyey Imaan Axmad,  Abuu daa’uud, iyo Ibnu maajah oo caddeynaya in biyaha , daaqa , iyo xaabada ay dadka muslimiinta wada leeyihiin, haddii aysan jirin cid gaar ah oo noolaysatay( tacmiir) loogana horreyn.

2-    Akhri xadiiska uu weriyey Bukhaari ee tilmaamaya : in dhulka qofka muslimka ah ee  nooleeyaa mulkiyo.

3-    Al um ee Imaamu SHaafici , M2, J2, bogga: 42- 46.

4-    Almajmuuc M16, bogga: 117- 121.

5-    Almawsuuca alfiqhiya, M2, bogga: 238 – 250.

6-    Alwajiiz fii  fiqhissunna walkitaabil caziiz, bogga: 353.

7-    Aljaamicu li ixkaami fiqhi sunna, M4, bogga: 161.

8-     Alsharxul mumtic, bogga : 5 - 204

 

 

 

 

Saxeexa guddiga shareecada ee go’aanka gaaray:

 

1-    SH.Cusmaan Cali Xuseen( guddoomiye)………………………….

2-    SH.Axmde Maxamed Suleymaan………………………………….

3-    SH.Axmed Xaashi Xuseen…………………………………………

4-    SH.C/laahi Cabdi Cali ( Makaawi)………………………………..

5-    SH.Maxamuud X. Yuusuf…………………………………………

6-    SH.Cawil Faatax Shire…………………………………………….

7-    SH.Muxummad Warsame Dhurde………………………………..

8-    - SH.C/qaadir Muxummad Nuur………………………………….

9-    SH.Faarax Muumin Faahiye( xoghayn)…………………………..

 

Guddiga  arrimaha dhaqanka

 

1-    Oday /Maxamuud Saxardiid Ismaaciil………….

2-    Oday/ Xasan Xuseen Faarax…………………….

3-    Oday/ Cabdi Xaashi Xuseen…………………….

4-    Oday/ Diiriye Daahir Caalin…………………….

5-    Oday/ Cabdi Aadan C/laahi…………………….

6-    Caaqil/ Xirsi Maxamed Cilmi………………….

7-    Caaqil/ Maxamuud C/laahi Faarax……………

8-    Oday/ Cabdi Faarax Nuur……………………..

 

 

magacyada ergada Salaadiinta ah iyo  garaaddada

Haddaannu nahay salaadiinta , garaaddada iyo boqorrada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaannu ayidnay xukunka hsareecada ee laga gaaray arrinta Kalshaale:

 

1-     Suldaan    Maxamed Xasan Ibraahim……………….

2-     Garaad    Maxamed Cilmi SHirwac………………….

3-     Garaad    C/llaahi Cali Ciid…………………………..

      4-  Suldaan   Saciid Maxamed Garaase…………………

      5 – Suldaan    Xasan Barre Warsame Shire…………….

6-    Suldaan    C/raxmaan Jaamac Dhawal……………..

7- Suldaan    Maxamed Yuusuf X.Faarax……………….

8- Suldaan    Xasan Baade Xaddi Axmed……………….

9- Suldaan    Xiis Barre Yuusuf………………………….

10- Suldaan   Maxamed Maxamuud Xandulle……………..

11- Suldaan   Saleebaan Tukaale Raage……………………

 

 

 

Shir-Gudoonka Ergada Dhexdhexaadka ah :

1-   Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar( Goddoomiyaha Ergada)___

2-   Suldaan Suleymaan Suldaan Cali Ismaaciil  ( Gudoomiye ku xigeen)_______

3-   Suldaan Axmad Daahir Muuse Cilmi _________________________________

 

Daawo Sawirada

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com