Dugsiyada Waxbarashada ee Degmada Ceegaag oo lagu soo Xidhay Imtixaankii sanadkan oo Guul ugu Dhamaaday Ardayda Ceegaag

(Ceegaag, December 24,  2010 Ceegaag Online)

Imtixaanadkii Xarumaha Dugsiyada Waxbarashada ee Degmada Ceegaag oo todobaadkani si toos ah Xarumaha Waxbarashada ee Magaalada Ceegaag uga socday Ardayda Degmadaasi Ceegaag ayaa Macalimiinta Degmadaasi Ceegaag imtixaanaadkaasi soo Gabo Gabeeyeen Waxana Imtixaanaadkani Ardayda ugu soo Xidhay Jawi Wanaagsan oo ardaydu Imtixaanaadkaasi ku galeen kaga Qayb Qaateen iyagoo faraxsan.
 
 
 
Imtixaankani ayaa ahaa Teeramkii Koowaad ee Sanadkani 2010 oo Ardaydu u Fariisteen Xarumaha Waxbarashada Magaalada Ceegaag oo kala ah Ceegaag Bari iyo Ceegaag Galbeed Shabakada Wararka Ceegaag.com oo la Xiriirtay Maamulayaasha Xarumaha Waxbarashada ee Degmada Ceegaag ayaa noo sheegay in Imtixaanka sanadkani uu ku soo Dhamaaday Waji Wanaagsan oo ardayda loogu soo Xidhay, iyagoona Ardayda la fasaxay Mudo Bil ah inay ku Booqaan Qaraabooyinkooda iyo Eheladooda kala jooga Deegaanada kale.
 
Ugu Danbaytiina Waxbarashada Degmada Ceegaag ayaa haatan Gaadhay Meeshii ugu saraysay Waxana Hubaal ah in Degmada Ceegaag Dhinacyada Horumarka Dhismayaasha Waxbarashada Caafimaadka ka gaadhay Heerkii ugu Sareeyey, Isla Markaana Degmada Ceegaag Dhaaftay Magaalooyin Badan oo lagu Noolaa Ku Dhawaad 50kii Sano ee la soo dhaafay Waxana Horumarka ka soconaya Magaalada Ceegaag ku talaabsaday Qurba Joogta Degmada Ceegaag oo ilaahay la Kaashaday Horumakaasi iyo Nabad Galiyada Baahsan ee Ceegaag taala....
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle