shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Doodii Dacwada Labada Beelood oo saaka ka Bilaabantay Madasha shirka Maygaagle

(Maygaagle, December 05,  2010 Ceegaag Online)

Madasha shirku uu ka soconayo ee Deegaanka Maygaagle Waxa Maanta Galinkii hore ka bilaabantay Dacwadii ay halkaasi ka soo Jeedinayeen labadii beelood ee dhawaan ku dagaalamay Baliga kalshaale Waxan Doodii halkaasi ay ka soo Jeeiyeen dhagaysanayey Culumo loo Xilsaaray inay shareecada Islaamka ay ku kala saaraan labadaasi beelood ee deegaankaasi Maygaagle ku muransan oo dagaal sababay dhimasho iyo Dhaawac uu ku dhexmaray.
 
 
Labada Beelood ayaana Goobtaasi ka soo Jeediyey Dacwadii oo dhagaysanayeen Culumadii oo Xilsaaray iyo Qaarkamid ah gudiga Dhex Dhexaadinta oo lagu daray Culumada inay wax la ogaan faah faahina ka siiyaan Qaabka deegaanka loogu muran san yahay, ugu horayna Waxa Dacwadooda halkaasi ka dhiibtay Meesha Deegaanka Buuhoodle oo Waxgaradkii ka socday Goobta ka soo Jeediyeen Doodii ugu Qiimaha badnayd oo siwayn Culumada Isimada iyo Qaybigii ku sugnaa Madasha shirka maygaagle, Waxayna Beesha Buuhoodle Goobta ka sheegtay inay leeyihiin ilaa gobolka togdheer oo dhan deegaanadaasina Beeshaasi ku Qoteen sifo sharci Daro ah.
 
Waxayna Wakiiladii uga Hadlay Dhinaca Buuhoodle sheegeen in Baliga Kalshaale Mulkiyadiisa ay leeyihiin isla Markaana horay labada beelood go'aan looga gaadhay sanadkii 1993 Xiligaasi oo laga aasay Beesha bariga burco haatana sharci daro ku Qoteen, dhinaca Beesha gobolka togdheer ayaana sidoo kale iyana sheegtay Mulkiyada Baliga Kalshaale iyo Deegaano farabadan Waxana Doodii Maanta ku soo dhamaatay Waji Wanaagsan iyadoona Culumadu goobta ka sheegeen in Barito dib lay sugo soo laabto Dacwada Markale............

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com