shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diyaaradii ku sii Jeeday Puntland oo Maalintii Labaad ku Xariyan Garoonka Hargaysa iyo Puntland oo Diday inay ka Hadasho diyaaradaasi

(Hargaysa, December 11,  2010 Ceegaag Online)

Kadib Markii Maalintii shalayto garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Egal International Airport ee magaalada Hargysa ay soo Cago dhigatay Diyaarad Xamuul ah oo ka soo kacday dalka Ugaandha waxa ay sidaa, dirayska ciidmada, qalabka xabada celiya ee la gashado, qalabka isgaadhsiinta ee malatariga oo casri ah iyo qalabyo kale oo malatari gaar ahaan Kuwa Miinooyinka looga saaro Dhulka Hoostiisa.
 
 
Diyaaradaasi ayaana Maalintii Labaad ku xanimay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa Waxana Masuuliyiinta Maamulka somaliland oo la Hadlay saxaafada ay sheegee in Qalabkaasi Milatari loo Waday Dhinaca Puntland oo Mudooyinka laga Waday is Hubay ayuu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland oo Wariyaasha la Hadlay.
 
 
Dhinaca Kale Puntland ayaan ka Hadlin Diyaaradani ku soo Jeeday dhinaca Puntland ee Qalabkani Milatariga u Watay, Balse Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Xidhiidho Dhinaca Talefoonka ah la samaysay Masuuliyiin katirsan puntland ayaa ku Tilmaamay Qalabkaasi Milatari kuwo loo Waday Ciidamada Bada ee Puntland oo dhawaan tababar loo soo Xidhay, Qalabkaasina yahay Dariska Ciidanka iyo Camarooyin oo Kaliya, ka hadalkeenuna u yaalo Shirkadii Qalabkaasi Lahayd............
 
 
 
 
Cali Osman Yusuf(Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com