shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhalinyaradii reer Galdogob oo Ciidamada Itoobiya sii daayeen

 

(Buuhoodle, December 23,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa hada magaalda Buuhoodle laga sii daayay dhalinyaro reer Galdogob ah oo shalay laga soo xidhxidhay deegaanka Dandan oo iska hor imaad ku dhex maray qaarkamid ah maleshiyaadka deeganka Buuhoodle.

Saaka aroornimadii ayaa Ciidanka Itoobiya u yeedheen Odayaasha reer Buuhoodle iyo kuwa reer Galdogob ee ku sugan haatan Buuhoodle iyaga oo u sheegay inay ku waayeen dhalinyarada ay shalay soo xidhxidheen danbigii lagu soo eedeeyay ee ahaa inay ka mid yihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale ninkii ku geeryooday Iska hor imaadkii shalay ayaa wali la aasin iyada oo odayaasha reer Galdogob ay ku adkeesteen in lakeeno cidii dishay  ama meel lasaaro dhiigiisa.

Amaanka magaalda Buuhoodle ayaa aad u wanaagsan iyada oo aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan, halka ay maamulka Buuhoodle ku mashquulsan yahay baadhida sidii wax u dheceen iyo cidii ka danbaysay iska hor imaadkaa shalay ka dhacay tuulada Dandan.

Wararka hawlahan ugu soo hagaag Ceegaag Saacadaha soo socda....

Cali Dhegjar

Buuhoodle

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com