shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhagaysiga dacwadii labada beelood oo soo xidhantay duugtii dadkii dhintay dagaalkii kalshaale oo la bixiyey

(Maygaagle, December 06,  2010 Ceegaag Online)

Warsiga Sh Cismaan Cali Xuseen ( Dacwad)    Dhagayso

Iyadoo Maalintii Labaad Madasha shirka Maygaagle ay ka socoto dacwadii ay halkaasi ka soo Jeedinayeen Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa dhagaysi dacwadaasi Maanta galinkii hore la soo Xidhay, Waxan kadib Madasha shirka Maygaagle lagu bixiyey duugtii dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baliga kalshaale oo tiradoodu gaadhaysan ugu yaraan 10 Ruuxi oo Dhimasho ah iyo todobo kale oo dhaawac ah.
 
 
Waxgaradka Buuhoodle ayaa bixiyey Dhimashada 7 Ruuxi oo dhimasho ah iyo afar kale oo Dhaawacmay oo ka soo Jeeda Bariga Burco waxana Qofkii dhintaba laga Bixiyey duugdhan 500$ oo Doolar oo aas ah halka Dhaawacyadiina lagu dhaawac bixiyo, Culumada ayaana Goobta ka sheegay in dhagaysi dacwadii Xidhantay balse la sii Wadayo Qaybaha kale oo ka haldhan dacwada oo kamid yihiin inay beeluhu keenaan Markhaatiyo iyo go,aamadii oo la soo saari Doono.
 
Kulankaasi galinkii hore kadib ayaana Culumada loo Xilsaaray Dhex Dhexaadintu Labada Beelood Waxay gaadheen Baliga kalshaale Waxana safarkaasi ku Wehelinayey Gudiyada ka socda labada Beelood oo goobtaasi gaadhay, Dhinaca Buuhoodle Gudigii ka socdaya ayaana ku soo arkay in Baliga kalshaale laga sameeyey Deegaano hore leh, Waxa arimahaasi ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyaan Culumadii gaadhay Goobta Baliga kalshaale iyo Gudigii Dhex Dhexaadinta Waxana si kooban saxaafada hadal u siiyey Gudoomiyaha Gudiga Culumada loo Xilsaaray Sh Cismaan Cali Xusee( Dacwad)

Daawo Sawiradii Shirka ee maanta

 

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com