shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada Buuhoodle Gudiga Dhex Dhexaadinta oo ka Hadlay Deegaamayta Baliga Kalshaale

(Maygaagle, December 07,  2010 Ceegaag Online)

 

Waraysi Gaaban oo aanu la yeelanay Suldaan Cisman Suldaan Cali

 Suldaan Madar dhagayso

 

 Suldaan Siciid Cismaan Cali waxa uu qurbojoogta   ku booriyay

 Kalmadan Dhagayso

 

Kadib Markii shalayto deegaanka Kalshaale ay gaadheen Culumadii loo Xilsaaray dacwada Baligaasi iyo Xubnihii ka kala socday Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa deegaankaasi Waxa lagu soo arkay in laga sameeyey Deegaano hor leh, arintaasi oo siwayn uga Cadhoodeen Waxgaradka Buuhoodle iyo Gudigii loo Xilsaaray ka dacwada Baliga kalshaale ee ka soo Jeeday dhinaca Buuhoodle kuna dhaliilay gudiga Dhex Dhexaadinta inay ka gaabiyeen inay gacanta ku dhigaan Baligaasi kalshaale ee Labada Beeloodu ku muran san yihiin.
 
 
Hadaba Kulankii Madasha shirka ee Maanta ayaa ka hor inta aan Dacwada loo galin Waxaa hadal dheer Halkaasi ka soo Jeediyey Waxgarada Buuhoodle oo Hadalka loo Qaybiyey Suldaan Sicii Cismaan Cali oo Gudiga dhex dhexaadinta u sheegay inay aad uga xun yihiin in Baligii kalshaale laga sameeyo Deegaano hor leh isla markaana Beesha Bariga Burco Qodintaan hor leh ka sameeyeen Waxana uu Suldaanku Waydiiyey sababaha arimahaasi keenay Gudiga Dhex dhexaadinta( Waraysiga Suldaankan kadib dhamaadkii shirka oo arimahaasi ka hadlay()
 
 
Inkastoo Saxaafada laga Diiday in Codadkaasi ay duubaan Hadana Gudoomiyaha Gudiga Dhex dhexaadinta ayaa goobta ka sheegay inay Raali galin ka bixinayaa Arimahaasi isla Markaana gacan ku haynta Baliga kalshaale loo Xilsaaray Ciidamada Maamulka somaliland inay gacanta ku dhigaan saakana amar ku bixiyeen in Baliga kalshaale ay gacanta ku dhigaan Dacwaduna halkaasi laga sii Wado, ( Dhagayso Waraysi kooban Gudoomiyaga Dhex dhexaadinta) ugu danbaytiina Waxa baliga kalshaale loo Diray Ciidamo farabadan si ay gacanta ugu hayaan inta lagu kala baxayo.

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com