shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Culumadii iyo Gudigii loo Xilsaaray Qaadista Dacwadii Baliga Kalshaale oo diyaar garoobay beelaha ku Wargaliyey inay soo Xaadiraan Maalinta Sabtida ah

(Maygaagle, December 02,  2010 Ceegaag Online)

 
Kadib Markii Maanta Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadinta Labada Beelood uu Madasha shirka kaga Dhawaaqay in Dhacdii kalshaale looga Doodi Doonto Shareecada Islaamka isla Markaana Gudiga Dhex Dhexaadintu Howshaasi u bandhigay shareecada Islaamka Culumo ka kala yimid dhamaan gobolada Dalka Somaliana la keenay Maygaagle oo Dhagaysan Dooda Dooda ay soo jeedin Doonaan Labada Beelood Isimada Dhex Dhexaadinta iyo kuwa Beelahuna dhagaystayaal la ahaan Doonaan ayaa Dhinaca Kale Culumadaasi iyo Qaarkamid ah Gudiga oo lagu daray Waxay haatan Wadaan diyaar Garow xoogan oo Doodaasi ku bilaabi Doonaan Maalinta Sabtida ah.
 
Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadinta Suldaan Cismaan Suldaan Cali ayaana Goobta Madasha soo fariisiyey Culumadaasi dhagaysan Dooda Dacwada labada Beelood iyo 8 Xubnood oo kamid ah Gudiga Dhex Dhexaadinta oo lagu daray Culumada inay Warar Dheeraad ah ka siiyaan Deegaanka Lagu muran san yahay in Qaabka Howsha loo bilaabayo.
 
Waxayna Culumadu Ku Wargaliyeen Gudiyada Labada Beelood inay ku soo dhawaadaan Shareecada Islaamka iyadoona horay Labada Beelood Maanta shareecada si Cad u Qaateen inay kaga Doodi Doonaan Mulkiyada Baliga Kalshaale, Waxayna Culumadaasi sidoo kale Beelaha ku Wargaliyeen inay Maalinta Sabtida ah soo Xaadiyaan Goobta ay ka dhacayso Dhagaysi dacwada oo ah Madasha shirka oo gabi ahaanba laga Mumcuunay inay yimaadaan Dadwaynaha kale.

Daawo Sawirada

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com