shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baaq Nabadeed – Xiisadda Kalshaale

 

(Ottawa, December 15,  2010 Ceegaag Online)

Annaga oo ah waxgarad Soomaaliyeed oo u dhashay gobolada SSC kuna kala nool daafaha adduunka, waxaanu ugu horayn ka xunahay dhibaatadii ka dhacday baliga Kalshaale ee keentay isku dhaca dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabaddii dadkii ku geeryooday shaqaaqadaa anaga oo ilaahay uga baryayna in iyagana u naxariistu eheladoodiina samir iyo iimaan ka siiyo …Aamiin.

Waxaanu ugu baaqaynaa beelaha Buuhoodle iyo Qurilugud in ay isu samraan dhibaatadaa dhacdayna si nabad gelyo ah xal ugu raadiyaan. Waxaanu beelaha u sheegaynaa in Kalshaale dhiig danbe oo ku dataa uu taariikhda labada beelood ku reebi doono dullinimo iyo magacxumo taariikhda u gala iyagoo horay uga heshiiyay dagaallo ka xun kana khasaaro badan kan hadda ka dhacay Kalshaale.

Waxaanu beelaha Habrjeclo iyo Dhulbahante ka codsanaynaa in si islaanimo iyo maskax wanaagsana ugu dadaalaan in aan beelaha walaalaha ahi isku dhicin, isuna geysan dhager cawaaqib xumo dheer oo if iyo aakhiraba yeelata. Waxaanu u sheegayanaa in aan dagaal sokeeye liibaan iyo guul midna keenin, waxase uu keenaa ay tahay dhimasho iyo burbur aan mddo dheer laga soo waaqsan.

Waxaanu ku waaninaynaa kuwa labada dhinacba ah ee afuufaya dabka ay doonayaan in ay ka dhex shidaan labada beelood ee walaalaha ah in ay ka waantoobaan fidnada ay hurinayaan. Waxaanu kula talinaynaa dadka sharka ololaynaya in ay dhaqaalaha iyo xoogga ay ku abaabulayaan dagaalka sokeeye ay geliyaan horumarinta iyo nabadaynta dhulkaa ay dadkaa Soomliyeed kuwada nool yihiin.

Waxaanu maamulada Somaliland iyo Puntland ku boorinaynaa in ay qayb weyn ka qaataan qaboojinta xiisaddan labada beelood kuna dadaalaan isu soo dhowaanshaha iyo nabad gelyada dhulkaa dadka walaalaha ahi ku wada noolyihiin.

Ugu danbayntii waxaanu ilaahay uga baryaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in caqli wanaagsan iyo cibaado saalaxa oo tusta nabadgelyada iyo wada noolaanshaha walaalahooda Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin

Waxaa baaqan shabakadda soo gaadhsiiyay:

Cabdifataax Maxamed Yuusuf

Ottawa , Canada

webmaster@ceegaag.com