Wararka Naga soo gaadhay Deegaanka Maygaagta oo u dhaxeeya Deegaanada kalabaydh iyo Burtinle ayaa ku soo Waramaya in Deegaankaasi Maygaagta lagu soo afjaray Heshiis la kala dhex dhigay Labo Beelood oo ka soo kala Jeeda Gobolka Mudug iyo Sool oo afartiisano ee la soo dhaafay dagaalo ku dhexmari jireen Deegaanka Cadaada iyo Deegaano farabadan, dagaaladaasi oo ka dhashay Dhuldaaqsimeed Deegaankaasi kuyaala oo labada Beelood ku Dagaalo xoogani oo 4 sano Socdayu deegaankaasi ku dhexmaray..

Waxana Haatan lagu soo Waramayaa in Colaadaasi gabi ahaanba la soo afjaray kadib Markii Deegaankaasi oo katirsan Dhulka somaliland Ethopia ay soo faragalisay Dawlada Deegaanka Somalida oo Heshiiskaasi ka Qaadatay Gacan xoogan Waxana Kaloo Heshiiskaasi yimid Waxgarad Cuqaal ah oo ka soo kala Jeeda Labada Dhinaca oo Heshiiskaasi kala saxeexday.

Heshiiskaasi kadib ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com talefoonka Maygaagta kula Xiriirtay Odey Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Siyaasi Rug Cadaad ah kamid ah labada Beelood Mid ahaan Waxana uu Ceegaag.com u sheegay in Colaadaasi la soo afjaray laga heshiiyey Dhamaan dadkii ku dhintay Dagaalada Coladaasi labada Beelood, isla Markaana la Qaybiyey Dhamaan Dhuldaaqsimeedkii Labada Beelood isku hayeen goobtiina la Mariyey Calaada.

Waxana Kaloo Labada Beelood ku heshiiyeen in Cidii Jabisay Heshiiskani oo Dil danbe gaysata ay Dawlada Ethopia ka Qaadayso Talaabo Militari isla Markaana Bixinayaa Xoolo farabadan oo Ganaax ah iyo Lacagta dawlada Ethopia, Axmed Cabdi Xaabsade ayaana Ceegaag.com u sheegay inu Heshiiskani ka Duwan yahay kuwii hore iyadoona sabab looga dhigayo Dawlada Ethopia oo Shirkani Nabadayta haatan soo faragalisay iyo Isimada Maamulada oo ka Madaxbanaan( Waraysigaasi Xaabsade oo Dheer ka dhagayso Ceegaag.com.....

 
Cali dhagjar
Buuhoodle