shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Afhayeenka shirka Maygaagle oo Ceegaag.com uga Waramay Dacwadii Maanta

(Maygaagle, December 05,  2010 Ceegaag Online)

Warsiga Suldaam Maxamed Xasan ibraahim    Dhagayso

Afhayeenka Gudiga Dhex dhexaadinta Labada Beelood Suldaam Maxamed Xasan ibraahi ayaa Galabka gabo gabadii Dhagaysia Dacwadii Labada Beelood Madasha shirka ka soo Jeediyeen Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramay in Qaabkii Maanta ay Doodu u dhacday iyo Waxyaabihii labada Beelood uga Hadlayeen Waxa uu Suldaanku sheegay inay labada Beelood soo Gudbiyeen Dacwado farabadan oo ka hadlaya Deegaano badan oo labada Beelood ku muran san yihiin oo goobtaasi ay ka dhagaysteen Culumadii loo Xilsaaray Qaadista Dawcadaasi.
 
 
Afhayeenku Waxa uu sheegay in Dacwadu haatan marayso Heerkii ugu fiicnaan labada Beeloodna soo bandhigeen dacwadahoodii Dacwaduna ay soco doonto Maalmahaa soo socda Hadii ilaahay Idmo Waxa uu intaasi raaciyey in Dacwadi ku Kooban tahay oo kaliya Baliga kalshaale oo aanay ulumadu ka hadli karay Deegaano kale balse dhibaatadu ka dhacday Baligaasi Kalshaale Culumadu go,aan ka gaadhi karaan Baliga kalshaale.
 
Afhayeenka shirka ayaa sidoo kale Meesha ka saaray in uu shirku Bur buray Waxa uu saxaafada Qaarkood ku canaantay inay dadka ka daayaan Wararka Beenta ah ee loo Baahinayo, Halka uu shabakada Wararka Ceegaag.com ku amaanay Baahinta Wararka Runta ah oo uu suldaanku sheegay inay siinayaan Abaal marinta Nabada Shabakada Wararka Ceegaag.com, shirkani Maanta ayaa laga Xidhay gabi ahaanba saxaafada inay dhagaysteen balse loo ogolaatay inay sawiro iyo Waraysi gooni gooni ah ka Qaatan dhamaanka shirka

 

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com